Jimco, December 04, 2009(HOL): Waxaa magaalada Nairobi la gaarsiiyay 8 ka mid ah dadkii ku dhaawacmay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya, kuwaasi oo isugu jiray Wasiirkii Isboortiga Saleebaan Colaad Rooble, 3 Dhaqtar iyo 4 Arday.
Dhaawacyadan ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Wilson Airport ee Magaalada Nairobi ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo Xildhibaano u badnaa, kuwaasi oo uu horkacayay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Ameerika.
Suurtagal ma ahayn in sawir iyo cod laga qaado dadka dhaawaca ah, waxaana dhaawacyada loo gudbiyay Isbitaalka Arkha Khan ee Magaalada Nairobi. Caawa ayaa la filayaa in iyana magaalada Nairobi la soo gaarsiiyo dhaawacyo kale oo u badan Arday, kuwaasi oo iyana ku dhaawacmay qaraxii shalay ka dhacay Hotelka Shaamow ee Magaalada Muqdisho.
Qarax shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku geeriyooday dad ku dhow 20 ruux, kuwaasi oo isugu jira Wasiirro, Dhaqaatiir, Wariyayaal iyo Arday ka qalin-jebineysay Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi, Kenya