Hay'addaha Xuquuqda Aadanaha, Beesha Caalamka iyo Ururo Cambaareyn u jeediyay Qaraxii ka dhacay Maalintii shalay Magaalada Muqdisho.

Jimco, 4, Dec, 2009 (HOL) Inkastoo qaraxii ka dhacay Maalintii shalay Hotelka Shaamow ee Magaalada Muqdisho ee lagu dilay Mas'uuliyiin isugu jirtay Wasiiro, Dhaqaatiir, Ardey, iyo Suxufiyiin uu ahaa mid aan mudneyn canbaareyn oo kaliya ayaa haddana waxaa isa soo taraya Hay'addaha iyo Ururada Cabaareynta u jeedinaya cidii ka danbeeysay qaraxaasi.
 
Bayaan ka soo baxay Ururka Midowgga Afirca ayaa lagu sheegay in qaraxaasi ahaa mid wuxuuqshnimo ah isla markaana muujinaya sida hadalka loo dhigay cadawtinimada kooxaha Dowladda ka soo horjeeda, waxaana uu Midowgga Africa uu ka codsaday Dowladaha Beesha Caalamka in la soo taageero Dowladda Soomaaliya simarkaa looga adkaado kooxaha ku kacaya falalka noocaa oo kale ah.
 
Sidoo kale War qoraal ah oo ka soo baxay Hay'adda Amnesty Inerntional ayaa lagu sheegay in qaraxa ka dhacay Magaalada Muqdisho uu ahaa mid xasuuq ah dhinaca kalana ah danbi dagaal oo la galay, waxaana ay intaa ku dartay Hay'adddu in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dabagalo cidii ka danbeeysay abaabulka qaraxaasi si loo Maxkamadeeyo.
 
Dowladda France, Norway, iyo Spian ayaa ka mid ah Dowladdaha Cabaareynta u jeediyay qaraxii maalintii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana ay sheegeen in qaraxaasi uu ahaa mid astaan u ah xaalada sii xumaaneysa ee dalka Soomaaliya, waxaana Mas'uuliyiin u hadashay ay sheegeen in aysan aqoon wax ay ku tilmaamaan damiirka qofka isku dhax qarixinaya goob ay fadhiyaan Arday dadkii indhaha u ahaa Bulshada, waliba xili Ardeydu ay sugyeen in la gudoonsiiyo Shahaaddo Waxbarasho.
 
Waxaa sidoo kale ka mid ah Ururrada Cambaareyay weerarkii is qarxinta ahaa ee Maalintii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho Midowgga Yurub, waxaana qoraal ay soo saareen lagu sheegay in loo baahan yahay in si deg deg ah wax looga qabto xaalada murugsan ee dalka Soomaaliya.
 
Sikastaba ha ahaatee, inkastoo cambaareyn loo jeediyay qaraxa ay ku dhinteen Wasiirrada, Ardayda, Suxufiyiinta, iyo Dhaqaatiirta, Soomaaliyeed ayaa haddana waxaa muuqanaya in qaraxaasi uu ahaa mid naxdin iyo tiiraanyo ku abuuray in badan oo mid ah shacabka Soomaaliyeed isla markaana rajo beel ku riday qof kasta oo damiirkiisu fiyow yahay.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]