Jimco, 4, Dec, 2009 (HOL) Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaaliyeed (Sharmoc) waxa uu si weyn u cambaareynayaa muujinayaana sida uu uga xunyahay Falkii Argagaxa lahaa ee shalay oo taariikhdu ahayd 03/12/2009 lala beegsaday Xafladdii Qalin jebinta ardadii ka baxday Jaamacadda Banaadir qaybta Caafimaadka kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray lafdhabarkii umadda Soomaaliyeed kuwaasoo isugu jiray Macalimiin, Arday, Waalidiin, Saxafiyiin,Wasiiro iyo dadweyne kalaba.
Qaraxaan oo ahaa sida ilaha amaanku sheegeen mid ismiidaamin ah ayaa sida muuqata ujeedadiisu ahayd in lagu laayo tirade ugu badan dadkii isugu yimid Xaflad farxadeedkaas hase ahatee isu bedelay Murugo aad u badan iyadoo la xaqiijiyey dhimashada guud ee halkaas ka dhacday 20 qof oo uu ku jiray qofkii naftiisa biimeeyey.
Dadka fal dembiyeedka xasuuqa ah ku dhintay ayaa waxaa kamid ahaa Allaha u wada naxariistee Wasiirka Caafimaadka Dowladda KMG ah Qamar Aden Ali, Wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta sare Prof. Ibraahim Hassan Addow, Wasiirka Waxbarashada Ahmed Abdullaahi Waayeel, Sawir Qaadaha TV-ga Al-Arabiya Hassan Zubayr Hagi Fantastic, Weriyihii Idaacadda Shabelle Mohamed Amiin Aden Abdulle, Prof. Mohamed Aden Shahiid, waxaa sidoo kale dhaawacyo soo gaareen Wasiirka Dhalinyarada iyo Sport Sulayman Olad Rooble iyo dad kale oo fara badan.
Qaraxa ayaa waxaa fuliyey qof kusoo dhex dhuuntay dadweynihii kasoo qayb galay Xafladdaas, waxaana xaqiiqo ah dadka fuliyey iyo kuwa ka dambeeyey Qaraxaas in ay dhamaan ay yihiin dad cadow ku ah Diinta islaamka, Horuumarka Bulshada iyo jiritaanka Banii Aadamka, waxaana guddiga daabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ee SHARMOC oo ugu baaqayaa Bulshada Soomaaliyeed in ay u wada istaagaan la dagaalanka Cadowga nabadda iyo Jiritaankooda.
Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha SHARMOC waxa falkaas ku tilmaamayaa mid waxashnimo isla markaana kasoo horjeeda Diinta Islaamka, Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, waxa uuna kaa dalbanayaa Dowladda KMG ah ee Somalia,Umadda Soomaaliyeed,Qaramada Midoobay iyo Bulsha weynta Caalamka in ay talaabo muuqata ka qaadaan ciddii kaa dambaysay Falkaan argagaxa leh ee waxashnimo sida ugu dhaqsiyaha badana Caddaalada hor keenaan.
Falkaan ayaa ku tusaya in Cadowga Nabadda,Diinta,dhaqanka iyo kan Umadda Soomaaliyeed ay si weyn ugu howlan yihiin dabar goynta waxtarka Bulshada, iyagoo ku dhex dhuumanaya Shacabka nadiifka ah ee Soomaaliyeed waxaana horey shacabka Soomaaliyeed ay u waayeen dadkii indhaha u ahaa ee ka dhex muuqday Bulshada, gaar ahaan Macalimiin, Dhaqaatiir, Saxafiyiin,Culima udiin, Nabadoono, Haween iyo caruurba, haatana waxaa Cadowgu doonayey dhamaystirka intii ka hartay Bulshada.
Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed (SHARMOC) oo ku hadlaya magaca dhamaan Umadda Soomaaaliyeed gaar ahaan Bahda Bulshada rayidka ah waxa uu tacsi u dirayaa dhamaan eheladii, Qaraabadii iyo Shacabka Soomaaliyeed musiibadii ku habsatay qayb ka mid ah dadkii ay jeclaayeen ilaah dhamaan ha u wada naxariisto, kooxahaa falka gaystayna waa in ay ogaadaan in uu jiro Maalin lagula xisaabtami doono Falalka Argagixisnimo ee ay gaysteen lana marin doomo waxa ay mudaysteen.
Inaa Lillaahi wa innaa ilayhi Raajicuun.
Wabilaahi Towfiiq
Abdurahman Sheikh Hassan
Madaxa Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed (Sharmoc)
Mogadishu, Somalia
Email. [email protected]