Arbaco, April 29, 2009(HOL): Isu socodkii Gaadiidka ayaa istaagay inta u dhaxaysa Magaalada Kismaayo iyo Deegaannada Dhoobley iyo Afmadow, kadib markii ay roobab lixaad leh ka da'een inta u dhaxaysa Magaalada Kismaayo Kismaayo iyo Deegaanka Dhoobley.
Sidoo kale waxaa istaagay Gaadiidka u kala gooshi jiray Magaalada Dekedda leh ee Kismaayo iyo Xeryaha Qaxootiga ee Wadanka Kenya. Gaadiidkaan ayaa ka qaadi jiray Magaalada Kismaayo Xamuul aad u fara badan kaasoo qaab ganacsi loo geyn jiray Xeryaha Qaxootiga ee Ku yaal Waqooyi Bari ee Wadanka Kenya.
Waxaana badeecadaha ka soo daga Dakadda Kismaayo ay ahaayeen intooda badan kuwo loo beecgeeyo Gobollada Gedo, J/dhexe, iyo Waqooyi bari Kenya.
Waxaana Boosteejada looga anbabaxo Magaalada Dhoobleey iyo Xeryaha Qaxootiga Maalintii ka anbabixi jiray Gaadiid fara badan oo noooca Xamuulka ah guud ahaanna way istaageen hadda. Sidoo kale waxaa la sheegayaa in ay Gaadiid fara badan ay ku xayiran yihiin inta u dhaxaysa Kismaayo iyo Dhoobleey.
X.N, Hiiraan Online
Kismaayo, Soomaaliya