Arbaco, April 29, 2009(HOL): Ciidamada Badda Ruushka ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya ayaa waxay gacanta ku dhigeen 29 nin oo looga shakisan yahay in ay Burcad Badeed ahaayeen, sidaasi waxaa shaacisay Wakaaladda Wararka Ruushka RIA oo soo xiganeysya Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka.
Markab Dagaal oo nooca gujisyada looga hortago ah ayaa qabtay 29-ka nin ee looga shakisan yahay Burcad Badeednimada xili ay ku sugnaayeen meel Badda dhexdeeda ah oo 15 mile u jirta Xeebaha Soomaaliya.
“7 Qori oo AK47 ah, Bastoolado, Rasaas iyo qalab kale oo sattelite ah ayaa laga helay Doon ay wateen 29-ka nin ee Burcad Badeedka looga shakiyay” sidaas waxaa shaaciyay Wakaaladda Wararka Ruushka (Russia Information Agency).
“Tani waxay noo ogolaaneysaa in aan u qaadano in 29-ka nin ee aan soo qabanay ay Burcad Badeed yihiin, isla markaana ay ka mid ahaayeen kooxo burcad ah oo weerar ku qaaday Markab Ruushka laga leeyahay oo ay Shaqaale Ruushka u dhashayna la socdeen”sidaas waxaa Wakaaladda Wararka Ruushka u sheegay saraakiisha Ciidamada Badda Ruushka ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya.
Dowladda Ruushka ayaa waxay ka mid tahay Dowlado dhowr ah oo Maraakiib dagaal iyo ciidamo u soo diray Xeebaha Soomaaliya, si ay ula dagaallamaan Kooxaha Burcad Badeedka Soomaalida, kuwaasi oo in muddo ah qafaalanayay Doomaha iyo Maraakiibta ku socdaala Xeebaha Soomaaliya.
Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ah oo u bartay in ay qabsadaan Maraakiibta iyo Doomaha ku socdaala Xeebaha Soomaaliya kadibna ka qaataan lacag madax furasho ah ayaa hataan waxay wajahayaan caqabad ka hortimid kalluumeysigoodii Maraakiibta iyo Doomaha, waxaana dhowr jeer oo hore la qabtay qaar ka mid ah Burcad Badeedka, halka kuwo kalena la dilay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya