
Arbaco, April 29, 2009(HOL): Waxaa maanta ka dhacay magaalada Seattle ee gobalka Washington kulan balaadhan kaas oo laagu magacdaray (Somali Youth & Family Awerness Day) kaas oo looga hadlayay dhibka lagu hayo shacabka somaliyed ee ku dhaqan guud ahaan wadanka mareykanka,waxaa jira in dad badan oo soomaaliyeed oo looga shakiyay in ay ku lug leeyihiin falal argagixiso ah iyadoo in badan oo ka mid ah su'aallo lagu weydiiyay airoporda,shaqooyinka,iyo guryahoodaba, qaar kalena ay wadnaha farta ku hayaan kana welwel qabaan goorta loo iman doono.

Hadaba kulankan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay dhalinyaro iyo qaar ka mid ah maamulayaasha ururada Beesha Soomaaliyeed ee gobalka Washington, waxaa kulankan lagu martiqaaday,FBI-da,madaxda police-ka, profoserro, sharci yaqaano, madaxda Beesha Soomaaliyeed,wadaadada diinta,iyo shacab fara badan waxaa kaloo shirka ka hadlay C/kariim oo ka mid ah Ciidamada Mareykanka isagoo labisan labiskiisa ciidan ayuu sheegay inuu yahay muwaadin Mareykan ah isla markaana yahay muwaadin soomaaliyeed uuna xaqu u leeyahay in uu ku noolaado xoriyad aanan lagu eedeyn kareyn shacabka soomaaliyed wax uu geysto shaqsi ,waa hadduu jira'e.Waxaa iyana ka hadlay culimo badan o ku dheeraaday wanaagga ay leeyahay midnamada iyo si sharaf ah in lagula noolaado dadka aanu la noolnahay.
Ugu danbeyntii ayaa waxaa la isku afgartay in dhalinyarada soo qaban qaabisay ay qabteen shaqo wanaagsan ayna muteysteena ammaan maadaama ay is-fahan wanaagsan dhaxdhigeen dadka iyo madaxda dambi baarista wadankan oo u baahnaa bal in mar uun meel la isugu keeno si uu qof waliba u sharaxo wax uu tabanayo, waxaana ay ballanqaadeen in ay cid war u keentay iska qaadan amaanna ay mudan tahay Jaaliyadda Soomaaliyed ee gobalkan,waxaa kaloo laga hadlay arrimaha burcad badeedda waxaana danbiga dusha laga saaray warbaahinta oo buunbuuniyay arintan, taasi oo aanan waxba ka sheegeyn qashinka badda Soomaaliyed lagu qubayo.


Hassan Sunni
[email protected]
[email protected]
Seattle, Washington