Kulan dhexmaray Madaxweyne Rayaale iyo Labada Guddoomniye Xisbi Mucaarad ee Somaliland

Arbaco, 29 April 2009 (HOL): Guddida dhexdhexaadinta khilaafka siyaasiga ah ayaa shalay kulamo gooni gooni ah oo alabaabadu u xidhnaayeen la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin, Guddoomiyeyaasha Xisbiyada mucaaridka ah ee KULMIYE iyo UCID, Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Eng Faysal Cali Waraabe, kuwaasi oo aan wax faahfaahin ah laga soo saarin natiijadii ka soo baxday, marka laga reebo qoraal ay soo saareen guddigaasi.

Kulamadaasi oo ku kala qabsoomay xarunta Madaxtooyada iyo Xarunta dhexe Komishinka doorashooyinka Somaliland, ayaa ahaa qaar socday muddo saacado ah, hase ahaatee Guddoomiyeyaasha labada xisbi mucaarid ayaa labaduba ka gaabsaday inay ka hadlaan waxyaabihii shirka lagu soo qaaday iyo inay jireen wax Go'aamo ah oo ka soo baxaytoona.

Hase ahaatee qoraal kooban oo ay Guddidu soo saartay ayaan tafaasiil ka bixin arrimihii shirarkaasi lagu soo qaaday iyo xiliga go'aan kama dambays ah ay ka soo saarayaan hawshan ay wadaan.

Qoraalkaasina wuxuu u qornaa sidan;

"Guddiga Dhexdhexaadinta Khilaafaadka Siyaasadeed ayaa saaka kulamo kala duwan la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane

Daahir Rayaale Kaahin iyo guddoomiyeyaasha labada xisbi mucaarad mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo mudane Faysal Cali-waraabe.

Kulamadaas oo socday intii u dhexaysay 9:30 – 12:30 duhurnimo ee maanta waxa lagu kala qabtay xarunta Madaxtooyada oo ay kula kulmeen Madaxweynaha iyo xarunta Komishanka Doorashooyinka oo lagula kulmay Axmed-Siilaanyo iyo Faysal Cali-Waraabe oo ay wehelinayeen labadooda ku xigeen Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed-rashiid Sheekh Xasan.

Kulamadaas oo ku saabsanaa tabashooyinka iyo Arrimaha dhinac kastaa ahmiyadda saarayo, iyagoo saldhig uga dhigaya duruufaha dalka ka jira, aragtiyaha iyo ahmiyadda doorashada beesha caalamku siinayso.

Natiijada kulamadaas waxa xuddun u ahaa in Guddiga Dhexdhexaadintu tixgeliyo arrimaha gundhigga u ah khilaafaadka siyaasiga ah."

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland