Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho ku laabtay


Arbaco, April 29, 2009(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo wafdi uu horkacayo ayaa shalay gelinkii dambe wuxuu ku laabtay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho kadib socdaallo uu ku soo kala bixiyay dalal dhowr ah oo Yurub Afrika ku yaalla.

Madaxweynaha intii uu dalka ka maqnaa waxaa uu booqday Dalalka Turkey, Belgium, Egypt, Sudan iyo Kenya, wuxuuna dalalkaas qaarkood uu ku tegay martiqaad rasmi ah, halka Dalka Belgium-na uu u tegay ka qeybgalka shir dhaqaale loogu uruurinayay Soomaaliya.

Shirkaas dhaqaalaha loogu uruurinayay Soomaaliya ayaa deeqbixiyayaashii ka qeybgalay waxay Soomaaliya u ballanqaadeen lacag dhan 250 Milyan oo Doollar, taasi oo qeyb ka mid ah loogu talagalay in lagu dhiso Ciidamo Soomaaliyeed, halka qeybta kalena lagu taageerayo Ciidamada Amisom ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Wuxuu ahaa socdaalkii seddexaad oo uu madaxweynaha dalka uga amba baxo, isla markaana uu socdaallo ku soo kala bixiyo dalal dhowr ah. Horay wuxuu booqasho ugu soo kala bixiyay dalal dhowr ah oo ku yaalla Bariga iyo Bartamaha Afrika, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen  Kenya, Burundi, Uganda iyo Rwanda.

Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa la filayaa in uu qabto Shir jaraa’id oo uu uga warbixinayo Socdaalkii uu dalka uga maqnaa ee dhowrka maalmood qaatay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya