Arbaco, April 29, 2009(HOL): Qarax aad u xoog badan oo goor dhawayd ka dhacay magaalada gaalkacyo ee xarunta u ah gobolka Mudug ayaa lala beegsaday gaari nooca dagaalka ah oo ay leeyiihiin Ciidamada Sirdoonka Puntland ee PIS-ta.
Waxaa ku dhintay qaraxaasi oo ahaa Bam Gacmeed taliyihii Ciidamada Sirdoonka Puntland ee gobolka Mudug Yaasiin Sanwayne, waxaa ku dhaawacmay qaar ka mid ah askartii la socotay gaariga la weeraray ee uu Taliyaha wax ka saarnaa.
Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ay maqlayeen Qarax iyo rasaas xooggan oo is-xigay,waxaana markii danbe goobta uu qaraxa ka dhacay gaaray ciidamo isku dhaf ah oo isugu jira PISta iyo kuwa degmada.
Warar hoose oo goor danbe ah soo baxayna waxa ay sheeegayaan in ciidanka sirdoonka ay qaraxaasi u qab qabteen ilaa 5 ruux oo ka ag dhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay.
Ma jiro Mas’uul ka tirsan maamulka degmada oo ka hadlay qaraxaasi oo ka dhacay aagga Hotel Magan ee magaalada Gaalkacyo ,waxaana uu qeyb ka noqonayaa qaraxan amni darro ka jirta gudaha magaaladaasi.
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya