Arbaco, April 29, 2009(HOL): Abaare 10:00 fiidnimo ee xalay ayaa Bam nooca gacanta laga tuuro ah waxaa lagu weeraray guri uu magaalada Beledweyne ka dagan yahay Madaxa Mashaariicada Waxbarashada u qaabilsan Hay'adda Badbaadada Dhallaanka ee (Save The Children) Cali Cabdi Wehliye (Cali Bille).Sarkaalka ayaa xiligaas waxaa uu ku sugnaa gurigiisa, waxaana ku dhaawacmay weerarka Xaaskiisa iyo qaar ka mid ah Caruurta uu dhalay, kuwaas oo markii danbe la gaarsiiyay Isbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne.
Cali Bille oo wax yar kadib uun markii uu weerarku dhacay ay la xiriirtay HOL ayaa ku gaabsaday in uusan ogeyn sababta loo soo weeraray, waxaana Xaafadda weerarku ka dhacay markii danbe gaaray qaar ka mid ah Ciidamada Nabad-galyada Maamulka Islaamiga ahee Goballka.
Weerarka xalay lagu qaaday guriga uu ka degan yahay Magaalada Beledweyne Madaxa Mashaariicada Waxbarashada Hay'adda Save The Children ayaa muujinaya ammaan darrada sii kordheysa ee ka taagan Magaalada Beledweyne, waxaana weerarkani uu noqonayaan kii ugu horeeyay oo lagu qaado guri uu degan yahay Mas'uul u shaqeeya arrimaha Samafalka.
Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne ayaa shaki weyn ka muujinya weerarrada is-daba joogga ah ee lagu qaadayo dadka ka madaxa bannaan dhinacyada Siyaasadda isaga soo horjeeda, waxaana iska cad in Maamulku ku guul darreystay wax ka qabashada Nabad-galyada maadaama ilaa hadda aysan jirin cid loo qabtay falal is-xig-xiga oo horay ugu dhacay gudaha Magaalada Beledweyne.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Soomaaliya