Saraakiil ka socda Sirdoonka Maraykanka ee FBI oo Hargeysa soo gaaray

Axad, 16 November 2008 (HOL): Wakiilka Somaliland u jooga dalka Kenya Maxamed Axmed Nuur (Indho-buur), ayaa sheegay in saraakiil hay'adda Sirdoonka Maraykanka ee FBI-da ka tirsani Hargeysa u yimaadeen baadhista weeraradii Argagixiso ee 29 Oct lala beegsaday goobo muhiim ah oo ku yaala caasimadda.

Ambassador Indho-buur oo haatan socdaal ku jooga Hargeysa, ayaa sida uu qoray Wargeyska Ogaal waxa uu ku beeniyay jiritaanka warar sheegaya in Sirdoonka Maraykanku hay'addaha amniga Somaliland ku soo wargeliyay inay jiraan qorsheyaal weerar oo lagu soo qaadayo.

"Wadamo fara badan baa hadda u soo jeestay Somaliland sidii ay xidhiidh gaar ah ula yeelan lahaayeen, si ay uga hortagaan waxyaabaha noocaas (qaraxyadii Hargeysa) ah. Waxa weeye, arrin Hargeysa lagu buun-buuniyay, waana dad doonaya magaca hay'addaha Sirdoonka iyo Booliska inay madow geliyaan.

Laakiin, warar noocaas ah oo Maraykanka ka soo baxay ama xafiiskayaga ka soo baxay, run ahaantii ma jiro." Sidaa ayuu yidhi Mr Indhobuur.

Safiirka oo la waydiiyay inay jiraan talaabooyin uu qaraxyadii ka dib u qaaday sidii ay dawladda Kenya Somaliland gacan uga siin lahayd falkaa dhacay, waxa uu tilmaamay inuu la socod siiyay in ciidamada Somaliland isku filan yihiin, markii uu Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya waydiiyay inay ka caawimo uga baahan yihiin.
 
"Runtii Wasiirka Arrimaha Dibadda (Kenya) wuu ii yeedhay, waxaanan ka wada hadalay wixii meesha ka dhacay, isla markiibana tacsi buu u soo gudbiyay Madaxweynaha Somaliland iyo umaddaba, waanay na waydiiyeen inay wax nala qaban karaan oo ku saabsan baadhista iyo amniga. Markaa waxaanu ku nidhi ciidamada Somaliland ilaa hadda way isku filan yihiin, horena falal noocan ah way u fashiliyeen, haddii loo baahdana xidhiidh baa naga dhexeeyoo way na taageeri doonaan," ayuu yidhi.

Mar la waydiiyay xidhiidhka ka dhexeeya xafiiskiisa iyo Safiirka Maraykanka u jooga dalka Kenya iyo inuu jiro qorsheyaal amniga iyo wardoonka la xidhiidha oo ay ka wadahadleen, waxa uu sheegay in xidhiidh fiicani ka dhexeeyo, isaga oo taas ka hadlayana waxa uu yidhi, "Walaahi waanu isla soo qaadnay, waxaanu igu yidhi koox ka socota FBI-da ayaa laga soo dirayaa Washington oo Hargeysa dhowaan tegi doona. Markaa shalay (doraad) anigoo Hargeysa jooga ayay yimaadeen. Sidaa darteed, waad garan kartaa inuu xidhiidhku wanaagsan yahay."

Safiirku waxa uu sheegay in safarkiisan Hargeysa ay ku weheliyaan Suxufiyiin Kenyaan ah oo qiimaynaya xaaladda guud ee Somaliland, kuwaasoo uu sheegay inay maanta la kulmi doonaan Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.

Barkhad M. Kaariye   Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland