Xildhibaan Jinni Boqor oo sheegay in hadalkii Madaxweynaha uu ahaa mid uu Xildhibaannada Baarlamaanka ku-beer-laxawsanayay

Axad, November 16, 2008(HOL): Xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid (Jinni Boqor) oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in hadal uu shalay sii daayay madaxweyne Yuusuf oo ahaa in aysan Wax Xukuumad ah ka jirin Soomaaliya uu ahaa mid uu Xildhibaannada Baarlamaanka ku-beer-laxawsanayay.

Xildhibaanka waxaa uu sheegay in uu madaxweynaha hadalkaas jeediyay kadib markii sida uu hadalka u dhigay ay isa soo khilaafeen Dowladda Itoobiya, wuxuuna carrabka ku dhuftya in uu rabo in uu kalsooni ka helo mudanayaasha Baarlamaanka.

Xildhibaan Jinni Boqor oo u warmayay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho waxaa uus heegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu horay Baarlamaanka Kalsooni u siiyay, sidaas darteedna aysan meesha soo geli karin in uu yiraahdo madaxweynaha ma jirto Wax Xukuumad ah.

“Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa laga rabaa in uu hadalkaas jawaabo waayo isaga ayuu ku socdaa hadalkaas”ayuuna hadalkiisa ku sii daray Xildhibaanka oo sheegay in madaxweynaha uu doonayo in la soo celiyo Wasiirro uu horay u diiday Baarlamaanka in lagu soo celiyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Hadalka uu sii daayay Xildhibaan Jinni Boqor ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay uu Magaalada Nairobi ka sheegay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed in aysan wax xukuumad ah ka jirin Soomaaliya, isla markaana ay sharci ahaan dhacday Xukuumaddii uu dalka lahaa kagadaal markii ay is-casileen wasiirro badan oo Xukuumaddaas ka tirsanaa.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia