Rag Ganacsato ah oo lagu dilay inta u dhaxeysa Isgoysyada Bakaaraha iyo Dabka ee Magaalada Muqdisho

Axad, November 16, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa maanta waxay labo nin oo ganacsato ahaa  ku toogteen inta u dhaxeysa Isgoysyada Bakaaraha iyo Dabka ee Magaalada Muqdisho.

Labadan nin ee ganacsatada ahaa ee la dilay ayaa mid ka mid ah waxaa magaciisa lagu sheegay Daahir Geelle, waxayna dad aqoonsaday sheegeen in uu ka tirsanaa ganacsatada waa weyn ee Suuqa Sarifka Bakaaraha.

Lama oga ilaa iyo hataan wax loo dilay raggaas ganacsatada ah, waxaase muuqatay in uu dilkooda qorsheysnaa oo uusan falal burcadnimo ah la xiriirin bacdamaa aan laga qaadan gaari ay wateen.

Bilo ka hor ayay ahayd markii isla Wadadan lagu dilay labo nin oo ka tirsanaa Ganacsatada Gobolka Banaadir, kuwaasi oo si weyn looga yaqaanay magaalada Muqdisho, isla markaana lagu kala magacaabi jiray Cabaas Maxamed Ducaale iyo C/kariin Shiikh Ibraahim Dhiblaawe.

Dilalka loo geysto Aqoonyahannada iyo Dadka bulshada Indhaha u ah ayaa in muddo ah waxaa socda dilal loo geysto, kuwaasi oo aan ilaa iyo hataan si rasmi ah loo geyn cidda ka dambeysa dilkooda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia