Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo ku dhawaaqay Magacyada Wasiirro uu dhawaan soo magacaabay (Magacyada Wasiirrada iyo Wasiir ku xigeennada)

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)
NUUR CADDE: “Madaxweynaha ayaanan rabin in ay Xukuumadda shaqeyso oo ay sii waddo Barnaamijka nabadeynta ah ee ay ku howlan tahay”

Axad, November 16, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa wuxuu maanta magaalada Nairobi kaga dhawaaqay Magacyada Wasiirro iyo Wasiir ku xigeenno uu dhawaan soo magacaabay.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in 10 Wasiir iyo 3 Wasiir ku xigeen oo horay isaga casilay Xukuumaddiisa, isla markaana uu Baarlamaanka diiday in la soo celiyo uu ku bedelay Xildhibaano kale, wuxuuna intaas ku daray in Xukuumaddan cusub ku soo daray 14 Wasiir ku xigeen, kuwaasi oo uu sheegay in uu u soo xushay in ay wax ka fududeeyaan howsha baaxadda leh ee hor-taalla Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Magacyada 10-ka Wasiirka iyo 3da Wasiir ku xigeen ee lagu bedelay Wasiirradii horay isu casilay

WASIIRRADA

Xildhibaan Ismaaciil Cabdi Maxamed Wasiirka Wasaaradda Garsoorka iyo Arrimaha Diinta

Xildhibaan C/llaahi Shiikh Ismaacil Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Hidaha

Xildhibaan Axmed Maxamuud Goonle Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

Xildhibaan C/raxmaan Cusmaan Dirir Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiis

Md.C/waaxid Cilmi Cumar Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Arrimaha Federaaka, Dib u heshiisiinta iyo horumarinta Gobollada

Xildhibaan Cabdalla Boos Axmed Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga

Xildhibaan C/raxmaan Jaamac Cabdalla Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta

Xildhibaan Ibraahim Xabeeb Nuur Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Guriyeyta iyo dib u dejinta

Xildhibaan Fahmo Axmed Nuur, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska

Xildhibaan Axmed Shiikh Maxamed Loxoos Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta

WASIIR KU XIGEENNADA

Xildhibaan Maxamuud Maxamed Vecchio Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda iyo Qorsheynta

Xildhibaan Ismaaciil Xasan Maxamuud Timir Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka Arrimaha Federaaka, Dib u heshiisiinta iyo horumarinta Gobollada

Xildhibaan Xasan Macallin Xuseen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud, Guriyeyta iyo dib u dejinta

Magacyada 14-ka Wasiir ku xigeen ee cusub

Xildhibaan Maxamed Shiikh Yuusuf Wasaaradda Garsoorka iyo Arrimaha Diinta

Xildhibaan Bashiri Maxamed Aadan Wasaaradda Waxbarashada iyo Hidaha

Xildhibaan Ibraahim Isaaq  Yarow Wasaaradda Warfaafinta Isboortiga iyo Dhalinyarada

Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig Wasaaradda Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska

Xildhibaan Maxamuud Barre Xasan Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka

Xildhibaan Salaad Cali Jeelle Wasaaradda Gaashaandhigga

Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas Wasaaradda Gaadiidka Duulimaadka iyo Dekedaha

Xildhibaan Dr. Xuseen Cusmaan Xuseen Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta

Xildhibaan Cali Xasan Bullow Wasaaradda Beeraha, Biyaha iyo Horumarinta Dhulka

Xildhibaan Xasan Ibraahim  Maxamed Japan Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta

Xildhibaan Ibraahim Cali Saalax Wasaaradda Caafimaadka

Xildhibaan Cabdi Cumar Axmed Caan-nuug Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Kalluumeysiga iyo Bii’ada

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Aadan Indha-geelle Wasaaradda Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada.

Marwo Jamiilo Saciid Muuse Wasaaradda horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska

Ra’iisal Wasaaraha ayaa markii uu ku dhawaaqay Wasiirrada uu magacaabay wuxuu qabtay shir jaraa’id oo uu uga hadlayay hadalkii uu shalay sii daayay madaxweynaha ee ahaa in aysan wax xukuumad ah ka jirin Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Xukuumad jirto ayna wadato shaqadeeda oo ay ugu horeyso dib u heshiisiinta, wuxuuna madaxweynaha ku eedeeyay in uu doonayo in uu sharciga hareer maro, isla markaana uu Xildhibaannada Baarlamaanka kala geeyo si aan loo helin kooram buuxa oo ay ku furmi karaan fadhiyada Baarlamaanka.

Waxaa uu qiray  in madaxweynaha uu Liiska Wasiirrada ugu geeyay London, kadibna Addis Ababa, laakin uu madaxweynaha diiday in uu aqbalo wasiirradii uu soo magacaabay, “Madaxweynaha wuxuu yiri ma aqbalayo shaqsiyaadka aad meesha ku soo magacawday, runtiina shaqsiyaad ma ahane madaxweynaha ayaanan rabin in ay Xukuumadda shaqeyso oo ay sii waddo Barnaamijka nabadeynta ah ee ay ku howlan tahay”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde waxaa uu sheegay in isaga iyo Madaxweynahaba uu ka sareeyo Baarlamaanka, isla markaana ay qaadanayaan wixii uu Baarlamaanka go’aamiyo, Baarlamaankana wuxuu sheegay in aan Xukuumadda lagu soo celin Wasiirradii is-casilay.

Mar la weydiiyay Ra'iisal Wasaaraha haddii uu madaxweynaha diiday Wasiirradan in uu aqbalo cidda uu ula tegayo waxaa uu sheegay in uu Baarlamaanka hor-geynayo, isla markaana ay kala saari doonaan isaga iyo madaxweynaha ciddii saxan, "Mar haddii Ra'iisal Wasaaraha iyo Madaxweynaha ay is-mari waayaan waxay arrinta u noqoneysaa Baarlmaanka oo laga rabaa in uu ciddii saxan iyo ciddii qaldan sheego"ayuu yiri Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde oo Madaxweyne Yuusuf ku eedeeyay in uusan rabin in sharciga lagu shaqeeyo Dowladdana ay wax ka qabato dhibaatooyinka dalka ka jira.

Shirka jaraa’id ee uu qabtay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo shalay uu madaxweyne C/llaahi Yuusuf sheegay in aysan wax Xukuumad ah ka jirin Soomaaliya, isla markaana ay sharci ahaan dhacday Xukuumaddii jirtay, waxayna hadallada labadan mas’uul ay muujinayaan in uu jiro khilaaf xooggan oo u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia