Dowladda Kenya oo sheegtay in Soorooyin laga afduubtay Xadka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya ay nabad-qabaan

Axad, November 16, 2008(HOL): Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in Haween Soorooyin ah oo u dhashay dalka Talyaaniga isla markaana todobaadkii hore laga af-duubtay xadka u dhaxeeya Kenya iyo Somalia ay iyagoo bed-qaba ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya.

Caterina Giraudo oo  67 sano jir ah  iyo  Maria Teresa Olivero oo 60 sano jir ah ayaa waxay kooxo hubeysan Isniintii hore ka qafaasheen Degmada Ceel Waaq, iyagoo kadibna kooxihii af-duubtay ay la galeen gudaha dalka Kenya.

“Odayaal Dhaqameedyo ka socda Wadankeena iyo kuwo Soomaali ah ayaa waxay ku howlan yihiin sidii ay u soo heli lahaayeen halka lagu hayo Soorooyinkaas oo hadda wararka naga soo gaaraya ay sheegayaan in ay bed-qabaan”ayuu yiri Josephat Maingi oo ka tirsan Maamulka Gobolka W/bari Kenya.

Mas’uulkan u hadlay Dowladda Kenya waxaa uu sheegay in heleen Warar ku saabsan in Haweenkaas Talyaaniga u dhashay ee Soorooyinka ah lagu heysto meel 100km u jirta oo gudaha Soomaaliya ah, wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay warar beryahan la isla dhexmarayay oo sheegayay in Kenya ay dooneysay in Haweenkaas awood ciidan ku soo furato.

“Waa Run in aan Ciidamo dhignay xadka aan la wadaagno Soomaaliya, laakin taasi waa howl amni sugid caadi ah”ayuu hadalkiisa ku sii daray Josephat Maingi oo u waramayay Wakaaladda Wararka Reuters.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia