Axad, November 16, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa waxay maanta gudaha magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ku dhaawaceen Madaxii Hay’adda New Way ee Magaaladaas.
Mas’uulka la dhaawacay ayaa lagu magacaabaa Prof. Maxamed Cali Rooble, waxaana uu dhaawac culus ka soo gaaray madaxa, waa sida ay ku warameen dad ka dhawaa halka lagu dhaawacay.
Daqiiqado kadib markii uu dhacay dhaawaca Mas’uulkan ayaa waxaa goobta si deg deg ah ku gaaray Ciidamada Xoogagga Islaamiyiinta ah ee la wareegay gacan ku heynta Magaalada Marka, kuwaasi oo dhaawaca mas’uulka geeyay Isbitaalka Magaalada Marka.
Magaalada Marka ayaa haatan waxaa ka socda howlgallo ay wadaan Xoogagga Islaamiyiinta ah ee ku sugan, kuwaasi oo baadi-goob ku haya kooxihii ka dambeeyay dhaawaca Prof. Maxamed Cali Rooble.
Dhaawaca loo geystay Prof. Maxamed Cali Rooble ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo dhawaan ay gacan ku heynta Marka la wareegeen Xoogag Islaamiyiin ah, iyadoo meeshana uu isaga baxay maamulkii horay uga talinayay.
Ugu dambeyntiina, Magaalada Marka ee xarunta u ah Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa dhawaanahan waxaa ka dhacayay falal nabadgelyo darro ah oo isugu jiray dilal iyo qaraxyo, kuwaasi oo kuwii ugu dambeeyay lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsanaa Maamulkii Gobolka Shabeelaha, kuwaasi oo kala ahaa Taliye ku xigeenkii Booliska Gobolka Nuuriye Cali Faarax iyo Guddoomiye ku xigeenkii Ammaanka ee Gobolka Maxamed Maxamuud Cilmi.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia