Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay Baydhabo

Axad, November 16, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in ay maanta gudaha magaaladaas ka dhaceen labo qarax oo is-xigay oo dhimasho iyo dhaawac geystay.

Qaraxyadan oo loo adeegsaday Bambooyinka gacanta laga tuuro ayaa waxaa loola dan lahaa Ciidamo ka tirsan kuwa Baydhabo, kuwaasi oo socod ku marayay gudaha Magaalada, gaar ahaan nawaaxiga Suuqa Badarka.

Inta la xaqiijiyay Qaraxyadaas waxay geysteen dhimashada 3 ruux oo uu ku jiray canug yar iyo dhaawac shan haween ah, kuwaasi oo dhamaantood ku sugnaa nawaaxiga halka ay Ciidamada socdeen, lamana soo sheegin wax khasaare ah oo Ciidamada ka soo gaaray Qaraxyadaas.

Qaraxyadaas ayaa markii ay dhaceen waxaa gebi ahaanba hakad galay dhaqdhaqaaqii dadka iyo ganacsiga ee ka jiray Suuqa Badarka Magaalada Baydhabo, waxaana mar kaliya albaabada loo laabay goobihii ganacsiga.

Magaalada Baydhabo ayaa dhawaanahan waxaa dhacayay Qaraxyo, Dilal iyo weliba weerarro lagu qaado fariisimada Ciidamada iyo kuwo Mas’uuliyiinta, waana falalkaas ka dhigeen Magaalada Baydhabo mid aanu ammaankeeda hagaagsaneyn.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia