Axad, May 11, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa maanta waxay gudaha magaalada Baydhabo ku dileen labo ruux oo rayid ah, kuwaasi oo la sheegay in ay Ciidamada toogteen iyagoo ka cararayay rasaas ka bilaabatay meel ay ku sugnaayeen.
Dilka labadan ruux ayaa wuxuu dhacay kadib markii Ciidamada Itoobiyaanka oo Biyo ka dhaansanayay agagaarka Shineemo Sheentaraale ee Baydhabo ay cabsi ku abuureen dhalinyaro is-ceyrsaneysay, kadibna ay sidaas rasaas ku fureen, iyagoo moodayay in dhalinyarada is-ceyrsaneysay ay iyaga u socdaan.
Labada ruux ee ay Ciidamada Itoobiyaanka toogteen ayaa waxaa la sheegay in ay ka tirsanaayeen Ganacsatada Qaadka ku iibisa Magaalada Baydhabo, waxaana dilkoodana si weyn uga xumaaday ehelladooda iyo weliba dadkii ay wada ganacsanayeen.
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa lagu soo waramayaa in ay Todobaadkiiba maalin gudaha Magaalada Baydhabo u yimaadaan biyo dhaansasho, iyadoo maalintaas ay magaalada dhan noqoto Ciidamo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo gebi ahaanba joojiya dhaqdhaqaaqa Dadka iyo Gaadiidka iyo weliba Ganacsiga.
Dhowr jeer oo hore ayaa gudaha iyo duleedyada Magaalada Baydhabo waxaa lagu weeraray Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa, kuwaasi oo weerarka lagu qaaday loo adeegsaday Miinooyinka dhulka lagu aaso, kaasi oo midkii ugu dambeeyay uu ku qabsaday agagaarka Saldhig-yaraha Magaalada Baydhabo, halkaasi oo ay iyana Ciidamada Itoobiyaanka ku dileen Dad rayid ah oo Toban Ruux ka badnaa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia