Axad, May 11, 2008(HOL): Tahriibayaasha soo mara Wadamada u dhexeeya Keynya iyo Koofur Afrika ayaa ka cabanaya dhac iyo handadaad loogu geysto Wadamada ay soo maraan iyagoo sheegay in dhacaas ay u geystaan inta badan dhalinyaro Soomaali ah oo sheegta in ey yihiin muqalasiin tahriibiya dadka kadibna ay kala dhuuntaan lacagaha ay kula heshiiyaan markaas.
Maxamed Cumar Xassan oo ah Wiil dhalinyaro ah oo u waramayay HOL ayaa xaqiijiyay in uu ka qaatay xili uu ku sugnaa magalada Nairobi nin Soomaali ah min 1500$ iyagoo 8 ah kadibna waxaa uu uga dhaqaajiyay xadka Tanzania iyo Zampia kadibna waxaa baarasho kula dhaqaaqay Dhalinyaro deeganka ah oo ka qaatay wixii yaraa ee u haray dhibaato iyo gaajo kadibna ay soo gaareen Dalka Zampia
Ma ahan Tahriibayashii ugu horeeyay oo sheegta dhac iyo dhibaato loogu geystay wadamada loo soo maro Dalkan Konfurta Afrika iyadoo la soo sheegayo dad badan oo ku jira Xabsiyada Tanzania, Zampia, Mozanbique, iyo waliba Dad ku dhintay iyadoo lagu Tahriibinayo CONTENER lagu soo xiray iyo waliba kuwo Yaxaas ku cuna Wabi u dhexeeyo Zimbabwe iyo South Africa.
Arimahan Tahriibayaasha Soomaalida ayaa sii kordhaya xili ay sii socdaan dilalka ka dhacaya Wadanka Konfurta Afrika ee loo geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Qaxootiga ku ah tiiyoo ay u sii dheer tahay boob lagu hayo Dukaamada ay leeyihiin.
.
Saciid Cabdulle Herow Hiiraan Online
[email protected]
Johannesburg, South Africa