Isu socodka Dadka iyo Gaadiidka qeybo ka mi dah Wadada Wadnaha oo saaka dib u furmay iyo Wadada Maka Al-Mukarama oo saaka waqti kooban xirantay

Axad, May 11, 2008(HOL): Waxaa saaka dib u bilowday isu socodka Dadka iyo Gaadiidka qeybo ka mid ah Wadada Wadnaha ee magaalada Muqdisho kuwaasi oo xirmay kadib markii Ciidamo ku sugan Isgoyska Florenza ay diideen in wadadaas la isticmaalo.

Wadada Wadnaha  ayay Ciidamada xireen kadib markii dorraad galab uu Isgoyska Florenza ka dhacay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.

Saaka ayaa waxaa la arkayay Gaadiidka Dadweynaha, Midka gaarka ah iyo weliba Dad aad u faro badan oo wadadaas isticmaalayay, kuwaasi oo u badnaa kuwo u sii shaqo tegayay Suuqa Bakaaraha.

Wadadan oo ah mid muhiim u ah aadista Suuqa Bakaaraha ayaa waxay xirantaa mar kasta oo ay dagaallo ka dhacaan Isgoyska Florenza, inkastoo maalin ama saacado kadib ay dib u furanto.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Isgoyska Florenza ee Degmada Wardhiigley ayaa wuxuu yahay meesha kaliya ee ay Ciidamada Dowladda kaga sugan yihiin Wadada Wadnaha, iyadoo Isgoysyada Aadan Cadde, Howl-Wadaag iyo Bakaaraha oo ay horay ugu sugnaayeen Ciidamada Dowladana ay haatan ku sugan yihiin Ciidamo gaar ah oo ka amar qaata Ganacsatada Suuqa Bakaaraha.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia