RAAD TV oo hawada soo galay iyo Wariyayaal caan ah oo ka mid noqday Shaqaalahiisa

Kor, Bidix ka bilow: Cawke, Ducaale, Dalmar, Hereri, Raabi.
Hoos, Bidix ka bilow: Ridwaan, Cabdishakuur, Cabdixaafid, Sadaam iyo Amran

Sabti, May 10, 2008 (HOL) - Sida dad badani ay la socdaan waxaa dhowaan hawada soo galay Taleefishinka caalamiga ah ee RAAD oo ah taleefishin ku hadli doona afka Soomaaliga, barnaamijyadiisana gaarsiin kara dhamaan daahafaha dunida iyo deegaanadda ay ku dhaqan yihiin dadka ku hadla afka Soomaaliga.
 
Waxaana muhimadda taleefishinkaasi uu yahay in uu la hadlo dhamaan dadka ku hadla Afka Soomaaliga sida ay sheegtay Maamulaha TVga RAAD Fawzia Yusuf Xaaji Aden, waxaana ay sheegtay in TVgu uu noqon doono mid ka madax-banaan siyaasaddo gaar ah.
 
TVga RAAD oo haatan soo galay hawada ayaa laga daawadaa Qaaradaha Africa, Asia iyo Australia, Waxaa sidoo kale maamulka taleefishinku xaqiijiyey inay bisha June ay hawda galin doonaan qeybta Yurub oo markaas laga daawan doonno dalalka Yurub oo dhan.
 
Taleefishinkaan ayaa waxaa ka hawlgali doona weriyeyaal sumcad iyo qadarin ku dhex leh ummdda Soomaaliyeed oo khibrad iyo Aqoon u leh Warbaahinta isla markaana si fiican u garanaya xirfadda iyo mihnnada saaxaafadda oo isugu jira Odayaal iyo Dhalinyaro.
 
waxaana qaar kamid ah Wariyayaasha howshaasi wadi doona kamid: Axmed Xasan Cawke, C/salaan Hereri, C/shakuur Cali Mire, Maxamed Ducale, Maxamud Dalmar, Ridwaan Xaaji Cabdiwali, Cali Axmed Raabi, C/xaafid Ismaaciil , Cabdicasiis Sadaam iyo Amran faysal.
  
Barnaamijyadda uu ummadda Soomaaliyeed ugu talagalay ayaa waxaa ay ka kooban yihiin: diin, siyaasad, suugaan, wacyigalin, taariikh,warar iyo Madadaalo. Ayadoo taleefishinku yeelanayo hab faafreeb oo lagu illaaliyo tayadda iyo sumacada Taleefishinka.
 
Haddab Taleefishinka oo hawada galaya labadii bisha May ayaa dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadamada Afrika iyo carabaha waxa ay ka daawan karaam haatan: Frequency: 3551 Horizontal Symbol rate: 1333 FEC: 3/4 Transponder: 4GL.

Hiiraan Online
London, UK