Axad, May 11, 2008(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa maanta wuxuu walaac ka muujiyay xubin ka tirsan Golahaas oo muddo labo bilood ka badan af-duub lagu heysto.
Siraaji Xaaji Isxaaq Cabdulle oo ka tirsan Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa sheegay in ay muddo labo bilood ah nolol iyo geeri ku la’ yihiin Axmed Cabdulle Soomane oo Golahaas ka tirsanaa, kaasi oo uu sheegay markii cid ugu war dambeysay in ay kooxo hubeysan ka qafaasheen Wadada labaad ee Suuqa Bakaaraha.
“ilaa iyo waqtigaas waan raadineynay, waxaana la xiriirnay dhinacyada hubka ku heysto magaalada Muqdisho, ilaa iyo haatanna ma helin cid heysa, sidaas darteed haddii ay jiraan dad heysta oo uu u af-duuban yahay waxaan ka codsaneynaa in ay fududeeyaan sidii aan ula xiriiri lahayn”ayuu yiri Siraaji Xaaji Isxaaq oo sheegay in aysan meelna ku bannaaneyn haddii ay ahaan lahayd Diinta Islaamka, Dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed iyo weliba Xeerarka Caalamiga ah ee la wada aqoonsanyahay in qof Bani’aadam ah oo Muslim ah xoriyadda laga qaado.
Siraaji Xaaji Isxaaq oo sii hadlayay waxaa uu ugu baaqay Dadka heysta Ninkaas oo uu sheegay in aysan jirin cid uu dembi ka galay in ay xoriyaddiisa dib ugu soo celiyaan, isla markaana ay sii daayaan.
Ugu dambeyntiina, Dhawaan ayay ahayd markii ay sidoo kale ka hadashay Madasha Bulshada Rayidka Soomaaliyeed af-duubka Axmed Cabdulle Soomane iyo Cusmaan Maxamed Xaaji oo labadaba isku mar laga qafaashay Suuqa Bakaaraha, iyadoo Madasha ay sheegtay in raggaas ay howl-wadeenno ka ahaayeen Hay’ad Samafal oo Dadka u gargaarta.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia