Ciidamada Ilaalada Waddooyinka Muqdisho oo sheegay in shaqo joojin sameyn doonaan haddii aanu Taliska Booliska ka laaban amar uu ku soo rogay

Axad, May 11, 2008(HOL): Ciidamada Ilaalada Waddooyinka ee Taraafikada loo yaqaano ayaa maanta waxay ku goodiyeen in ay shaqo joojin sameyn doonaan haddii aanu Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka laaban amar uu dul-dhigay oo ahaa in is-hubeeyaan.

Kormeere 3aad Axmed Nuur oo muddo 48 sano ah ka soo shaqeynayay howlaha ilaalinta Waddooyinka ayaa sheegay in uu la yaab ku noqday amarka uga yimid Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay ahayd markii ugu horeysay ee amarkaas la siiyo mudadii uu  howshaas ku soo jiray.

“Shalay ayaa waxaa noo yimid labo Sarkaal oo lagu kala magacaabo Jen. Yuusuf Dhuumaal iyo Jen. John Fiidow oo ka kala tirsan Taliska Booliska Soomaaliyeed iyo Taliska Booliska Gobolka Banaadir, waxayna noo sheegeen in aan hub soo qaadanno ama aan isaga tagno Wadooyinka, amarkaasina wuxuu nagu noqday mid aanan fileynin”ayuu yiri Kormeere 3aad Axmed Nuur.

Sarkaalkan u hadlay Ciidamada Ilaalada Deegaanka oo hadalkiisa sii wata waxaa uu sheegay in ay haatan amarkaas shir ka leeyihiin, isla markaana go’aan soo saari doonaan waqtiyada soo socda, isagoo carrabka ku dhuftay in ay u badan tahay in ay shaqada joojiyaan haddiiba ay ku qasban yihiin in ay is-hubeeyaan.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ciidamada Ilaalada Waddooyinka ee haatan ka howlgala Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu arkaa iyagoo taagan waddooyin faro ku tiris ah oo Caasimadda Soomaaliya ku yaala, kuwaasi oo ku burburay Dagaalladii Dalka ka dhacay, iyadoo ay u sii dheer tahay in aaneyba jirin nalalkii caawin jiray Ciidamada Ilaalada Waddooyinka ee Traffic Light-ka loo yaqaano, kuwaasi oo iyana macal birahoodii ay ku burbureen Dagaalladii Dalka ka dhacay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia