Axad, May 11, 2008(HOL): Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee jooga deegaanka Jante-kuundisho ee duleedka Magaalada Beledweyne ayaa gelinkii danbe ee shalay kulan ay la qateen Guddoomiyihii hore ee Gobalka Hiiraan waxaa ay ku wargeliyeen in uusan gudaha u galin Magaalada Beledweyne isaga oo sheeganaya in uu yahay Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan, isla markaana uu u hogaansamo Magacaabista Dowladda Federaalka ee Maamulka cusub.
Yuusuf Dabageed oo maalmihii aynu soo dhaafnayba qorsheynayay in uu dib ugu soo laabto howlihiisii dhinaca Maamulka ayaa kulanka ay wada qaateen Saraakiisha Itoobiya oo ahaa sida ay sheegayaan ilo Xog-ogaal ah mid xasaasi ah waxaa uu xoogga ku saaray sidii ay Itoobiyaanku uga taageeri la haayeen dhinaca Nabad-galyada taasoo ay ku gacan seyreen Saraakiisha Itoobiya.
Warar hoose oo ay heshay HOL ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya kala wareegeen Guddoomiyihii hore hubkii u harsanaa kuwaas oo la filayo in lagu wareejiyo Maamulka cusub ee loo soo dhisay Gobalka Hiiraan, waxaana saakay Waaberigii lagu arkayay gudaha Magaalada Beledweyne Ciidamo Itoobiyaan ah oo sugaya ammaanka Magaalada.
Ciidamada ayaa markii ay gudaha u soo galeen Magaalada si gaar ah u beegsaday Xarunta Maamulka Gobalka Hiiraan iyo Sadhigga Baliiska, taasoo muujineysa in meesha laga saaray sheegashadii Guddoomiyihii hore oo warbaahinta kaga dhawaaqay in maalmaha soo socda dadka kala hadli doono fagaaraha Xarunta Maamulka Gobolka.
Dhinaca kale maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in ay soo gaaraan Gobalka Hiiraan Guddoomiyaha Cusub ee Dowladdu soo magacaawday iyo Duqa Magaalada Beledweyne, walow Maamulka cusub uusan aheyn mid dhameystiran oo ay inta badan is casileen xubihii ka tirsanaa, lamana oga sida Dowladdu ka yeeli doonto arintaas iyada ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Maxaa ka jira in ay Saraakiil Itoobiyaan ah ku wargaliyeen Yuusuf Daba-geed in uu u hoggaansamo Magacaabista Maamulka ay Dowladda Federaalka u so magacawday Gobolka Hiiraan
More News
- Ciidamo Itoobiyaan ah oo labo ruux oo rayid ah ku dilay Magaalada Baydhabo
- Ilaalada Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo Baydhabo isku rasaaseeyay
- Ciidamada Ilaalada Waddooyinka Muqdisho oo sheegay in shaqo joojin sameyn doonaan haddii aanu Taliska Booliska ka laaban amar uu ku soo rogay
- Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo walaac ka muujiyay Xubin Golahaas ka tirsan muddo labo bilood ka badan af-duub lagu heysto
- Isu socodka Dadka iyo Gaadiidka qeybo ka mi dah Wadada Wadnaha oo saaka dib u furmay iyo Wadada Maka Al-Mukarama oo saaka waqti kooban xirantay
- Dhaca iyo Dhibaateynta loo geysto Tahriibayaasha Soomaalida ah ee soo mara Wadamada u dhaxeeya Kenya iyo Koofur Afrika oo sii kordhaya
- RAAD TV oo hawada soo galay iyo Wariyayaal caan ah oo ka mid noqday Shaqaalahiisa