Madaxweynaha Puntland oo ugu yeeray Madaxweynaha Soomaaliya inuu yimaado gogol wadahadal

Khamiis, December 18, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, xukuumadda iyo dhammaan hoggaanka siyaasadda dalka in ay dheg u nuglaadaan talada iyo digniinta waxgaradka Soomaaliyeed, si looga fogaado qalalaase siyaasadeed iyo burbur ku yimaada midnimada dalka.

Madaxweyne Deni oo ka hadlayay shirka Kismaayo uga socda mucaaradka Soomaaliya ayaa sheegay, in tan iyo sanadkii 2023-kii ay soo baxayeen digniino isdaba joog ah oo ku saabsanaa jihada siyaasadeed ee dalka, balse aan si dhab ah loo tixgelin.

Deni wuxuu carrabka ku adkeeyay in waqtigu yahay mid xasaasi ah, islamarkaana haddii aan la ismaqal, la is ixtiraamin, lana helin hannaan wadar-oggol ah, ay suuragal tahay in dalku mar kale u gacan galo kala daadsanaan iyo isfaham la’aan.

Wuxuu ku baaqay in la helo xal siyaasadeed oo ku dhisan wadatashi, is-afgarad iyo wada-hadal dhab ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland wuxuu ugu yeeray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, inuu yimaado gogol wadahadal oo loo dhan yahay, lagana wada tashado arrimaha masiiriga ah ee dalka, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka iyo dhameystirka dastuurka.

“Waxaan ku boorrinaynaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in talada dadka la wadaago, lana soo celiyo miiska wadahadalka, si dalka loogu helo doorasho lagu wada heshiisan yahay,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in gogosha wadatashiga ay tahay mid lagu badbaadinayo mustaqbalka dalka, islamarkaana Puntland ay diyaar u tahay ka qeybqaadashada dadaal kasta oo lagu saxayo jihada uu dalku ku socdo.