Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo goordhaw ka furmay magaalada Kismaayo

Khamiis, December 18, 2025 (HOL) - Waxaa galabta Magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Jubbaland si rasmi uga furmay Shirweynaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Shirkaan ayaa u furmay hoggaamiyeyaasha mucaaradka dowladda iyo madaxda maamulada Jubaland iyo Puntland, waxaana diiiradda lagu saaraya xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka dalka. 

Wararku waxay sidoo kale sheegayaan in golahu shirweynahan ku dooran doonaan gudoon, iyadoo la filayo inay guddoonka sare u dooran doonaan Madaxweynihii hore ee Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha martida loo yahay ee Jubaland Axmed Maxamed Islaam madoobe.

Shirweynahan ayaa qorshuhu yahay in looga doodo joojinta doorashooyinka qof iyo cod ee hirgelinteeda ay wado dowladda Federaalka Soomaaliya, xili dhamaadka bishaan dowladdu shaacisay in Muqdisho ka dhacayaan doorashooyinka golayaasha deegaanka degmooyinka gobolka Banaadir. 

Shirkaan galabta ka furmay Kismaayo ayaa ah mid weyn indhaha ugu wada hayaan dadka Soomaaliyeed iyo dowladaha daneeya ariimaha Soomaaliya, iyadoo si gaar ah loo wada sugayo go’aanada kasoo bixi doona shirkaan.

Ugu dambeyntii dowladda Soomaaliya oo shirkan ka hadashay ayaa sheegtay in xubnaha isugu tagay Kismaayo ay yihiin kuwa ku howlan kala qeybtinta dadka Soomaaliyeed. 

Lasoco wixii kusoo kordha warkaan.