Sheekh Shariif oo Kismaayo u tagay ka qeyb galka Shirka Mucaaradka Soomaaliya

Khamiis, December 18, 2025 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo, halkaas oo gelinka dambe ee maanta si rasmi ah uga furmaya shirka ay yeelanayaan mucaaradka Soomaaliya.

Sheekh Shariif iyo wafdigiisa ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxaana halkaas ku qaabilay mas’uuliyiin uu hoggaaminayay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Soo dhaweyntan ayaa muujinaysa muhiimadda uu shirkaasi u leeyahay hoggaanka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Sidoo kale, magaalada Kismaayo ayaa maanta waxaa gaaray wafdi kale oo ka soo kicitimay magaalada Muqdisho, kaas oo uu hoggaaminayo xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble, kuwaas oo la filayo in ay ka qeyb qaataan shirka.

Shirka mucaaradka ee ka furmaya Kismaayo ayaa la sheegay in uu socon doono muddo saddex maalmood ah, waxaana diiradda lagu saari doonaa dhammaystirka qaab-dhismeedka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ay ku mideysan yihiin dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubaland, iyo sidoo kale Madasha Samatabixinta.

Ajendayaasha kale ee shirka ayaa waxaa ka mid ah xaaladda kala guurka ah ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku adkeysaneyso in doorashooyinka ay ku dhacaan nidaamka qof iyo cod.