
Khamiis, December 18, 2025 (HOL) - Garsoore ka tirsan maxkamad federaal ah oo kutaala dalka Maraykanka ayaa amar ku bixiyay in la sii daayo nin Soomaali ah 43 jir ah oo ay ICE xirtay intii lagu jiray ololaha adag ee lagu xoojinayay fulinta shuruucda socdaalka.
Amarkan oo la soo saaray maalintii Arbacada ee shalay, ayaa Garsoore Jerry Blackwell wuxuu sheegay in ninkani uu Maraykanka yimid sannadkii 1999 isaga oo weli carruur ah, xilli waalidiintiisu ay magangalyo doon ka ahaayeen.
Ninkan ayaa markii dambe galay dambiyo, wuxuuna xabsi kala duwan ku muteystay xukunno u dhexeeyay 2004 illaa 2010. Sida ay sheegtay Waaxda Amniga Gudaha ee Maraykanka (DHS), ninkan waxaa lagu helay dambi ah dhac ka dhacay magaalada Cincinnati, waxaana lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah.
Sannadkii 2011, waxaa lagu xukumay in laga masaafuriyo Maraykanka. Si kastaba ha ahaatee, masaafurintiisa Soomaaliya ayaa dib loo dhigay, waxaana lagu soo rogay amar kormeer (supervision order).
Garsoore Blackwell ayaa sharraxay in tan iyo markii la bixiyay amarka masaafurinta, ninkan uu si buuxda u raacay dhammaan shuruudihii kormeerka lagu soo rogay.
ICE ayaa mar kale xirtay ninkan toddobaadkii hore, xilli uu ku joogay ballan joogto ah oo uu la lahaa saraakiisha socdaalka.
Saraakiisha DHS ayaa sheegay in ay ku guda jireen joojinta dib-u-dhigista masaafurinta ninkan, isla markaana ay si firfircoon u wadeen isku dubbaridka masaafurintiisa Soomaaliya ama dal kale.
Hase yeeshee, Garsoore Blackwell ayaa qoray in DHS aysan weli helin dal aqbala in ninkan la geeyo.