


















Khamiis, December 18, 2025 (HOL) - Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in sanadka 2026 ay soo saari doonto nooc cusub oo baasaboor ah, ka duwan kan hadda ay isticmaalaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mustaf Dhuxulow, ayaa arrintan ka sheegay munaasabad ay hay’addu kusoo bandhigtay Warbixinta Sanadeedka Waxqabadka 2025. Munaasabadda ayaa hal-ku-dhiggeedu ahaa: “Secure Borders, Safe Somalia / Xakamaynta Xuduudaheenna – Ilaalinta Dadkeenna.”
Warbixinta ayaa muujisay horumar ballaaran oo hay’addu ka gaartay sugidda amniga xuduudaha, casriyeynta adeegyada socdaalka, iyo hirgelinta isbeddel dhijitaal ah oo saldhig u ah hufnaan, daahfurnaan, iyo adeeg tayo leh. Sidoo kale, waxaa lagu falanqeeyay dib-u-habeynta sharciyeed, nidaamyo iyo qaab-dhismeed hay’adeed oo waafaqsan qorshaha istiraatiijiga ah ee HSJ (2025–2029).
Sida warbixintu sheegtay, sannadka 2025, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxay guulo ka gaartay hirgelinta Nidaamka Oggolaanshaha Safarka Elektarooniga ah (e-TAS), casriyeynta baasaboorrada waafaqsan heerarka ICAO, xoojinta la-dagaallanka tahriibinta iyo dambiyada la xiriira socdaalka, iyo horumarinta nidaamyada xog-ururinta, ilaalinta xogta, iyo maamulka waxqabadka.
Warbixintu sidoo kale waxay iftiimisay doorka Akadeemiyada HSJ ee tababarka iyo tayeynta shaqaalaha, horumarinta kaabeyaasha xuduudaha iyo xarumaha adeegga, iyo iskaashiga qaran, gobol iyo caalami ee lagu xaqiijinayo amni xuduudeed oo waara.
“Markii aan xafiiska nimid, waxaannu markiiba ku dhiirranay inaan joojino wax-ka-beddelkii joogtada ahaa ee lagu samayn jiray baasaboorka iyo xogtiisa. Inkastoo aan caqabado kala kulannay, haddana safaaradaha iyo hay’adaha caalamiga ah way soo dhaweeyeen tallaabadii aan qaadnay. Waxaa jiray dad badan oo beddelay magacyadooda iyo taariikhahooda dhalasho, taas oo keeni kartay in nalaga kalsooni baxo,” ayuu yiri Agaasime Mustaf.
“27-kii Janaayo ee sanadkan, waxaan heshiis la galnay Interpol, annagoo kaashanayna hay’adaha kale ee dowladda, taas oo noo suuragelisay in kalsoonidii caalamka dib naloo siiyo,” ayuu raaciyay.
Dhankiisa, Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Farataag), ayaa sheegay in maanta Muqdisho ay ku sugan tahay xaalad amni oo ka wanaagsan tii ay waligeed soo martay. Waxa uu xusay in dadaallada joogtada ah ee ay wadaan hay’adaha ammaanku ay miro-dhaleen, isla markaana kooxda Khawaarijta laga ciribtiray goobo badan oo dalka ka mid ah.
“Dowladda aad bay ugu faraxsan tahay guulaha iyo waxqabadka ay hay’addu caawa soo bandhigtay. Hay’adda Socdaalka waxaan ku ammaaneynaa doorka ay ka qaadatay amniga dalka, gaar ahaan sugidda amniga xuduudaha,” ayuu yiri Wasiir Farataag.
Sidoo kale, Wasiirka Waxbarashada, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa sheegay inuu si dhow ula socdo shaqada hay’adda, maadaama ay wada-shaqeyn ballaaran ka dhaxeyso.
“Waxaan ognahay in agaasimaha hay’addu uu u dhabar-adaygay culeysyo iyo cadaadisyo badan, taasoo sababtay horumarka maanta ay gaartay Hay’adda Socdaalka iyo kororka kalsoonida lagu qabo, gaar ahaan tayada baasaboorka Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Faarax.
Wasiirku waxa uu intaa ku daray in hay’addu ay hirgelisay habraacyo kor u qaaday sinnaanta muwaadiniinta iyo xaqa ay u leeyihiin helidda baasaboorka.
“Waxaan bogaadinayaa Hay’adda Socdaalka sida ay ula dagaallantay isticmaalka baasaboorka ee si khaldan loo qaadan jiray, taasina waa sababta keentay in caalamku mar kale nagu kalsoonaado,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.