Faahfaahino kasoo baxaya weerar qaraxyo ku bilaawday oo Al-shabaab ku qaaday deegaanka Nuur Dugle

Khamiis, December 18, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qaraxyo ku bilaawday oo kooxda Al-shabaab saakay ku qaaday deegaanka Nuur Dugle ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Kooxda ayaa weerarka ku beegsatay fariisimo ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ku leeyihiin deegnaakaas, waxaana xigay dagaal fool ka fool ah oo dhexmaray ciidamada iskaashanaya iyo kuwa Al-shabaab.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in labada dhinac uu halkaasi ku dhexmaray dagaal culus oo la isku adeegsanaayay hubka noocyadiisa kala, waxaana diryanka hubka culus laga maqlaayay deegaano ka fog fog halka uu dagaalka ka dhacay.

Wali si rasmi ah looma oga khasaraaha ka dhashay dagaalka saacadaha badan qaatay ee saakay ka dhacay deegaanka Nuur dugle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan in dagaalka uu ka dhashay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaaray labada dhinac.

Weerarka saakay kooxdunku qaaday deegaanka Nuur dugle ayaa lasoo sheegaya inuu yahay kii ugu cuslaa ee mudooyinkan ka dhaca deegaankaas, mana jirto wax war ah oo wali kasoo baxaya dhinacyada dowladda iyo Al-shabaab oo ku aadan khasaaraha dagaalka ka dhacay deegaanka Nuur dugle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Deegaanka Nuur-Dugle ayaa horey Al-Shabaab looga saaray 4-tii November 2022, waxaana markaas booqday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaddib markii ay la wareegeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka.

Lasoco wixii kusoo kordha warkaan.