9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 25, 2024
Shir looga hadlayay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay dalka Turkiga
 

Talaado, September, 24, 2024 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Istanbul ee dalka Turkiga lagu soo gabagabeeyay shirka dib u eegista labaad ee Barnaamijka dib u habaynta Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya  kaasoo ay taageerto hay'adda lacagta Aduunka IMF.

Shirkaan ayaa 4-tii maalmood ee lasoo dhaafay socday, waxaana diiradda lagu saaray sida ay dowladda Soomaaliya uga go’antahay sii wadidda qorshayaasha horumarineed ee Maaliyadda, dhaqaalaha iyo u gogol xaaridda sedexda sano ee soo socota, iyo halka la filayo inuu ahaado Hiigsiga Dowladda Soomaaliya.

Shirkaan waxaa ka qeybgalay Wasaaradaha kala ah Maaliyadda, Qorshaynta, Batroolka, Cadaaladda, Bangiga dhexe ee Soomaaliya, Xafiiska Xisaabiyaha guud, Xarunta Warbixinada Maaliyadda, Lataliyeyaasha Dhaqaalaha ee Xafiisyada Raysal Wasaaraha iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo xiritaankii shirka ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay dhamaan fulinta qorshayaasha iyo gaaridda yoolkii horumarinta dhaqaalaha marka loo eego wada xaajoodka dowladdu ay la leedahay Hay’adda IMF.

"Yoolasha lagaaray waxaa ka mid ah, Dakhliga Dowladda oo kobac sameeyay kadib markii la casriyeeyay habka iyo nidaam uruurinta, Maareynta Maamulka kharashaadka Dowladda, iyada oo la marinayo habraacyada shuruucda Maaliyadda" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya lagu amaanay qorshaha Isbedelka Qaranka ee (National Transformation Plan) oo hadda ay ku howlan tahay Xukumadda Soomaaliya iney soo dhameystirto.

Ugu dambeyntii Wasiir Biixi Imaan Cige ayaa u mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed oo uu tilmaamay in Laf dhabar u yihiin dowladda iyo isbedelka, horumarinta iyo dib u habeynta dhaqaalaha dalka, isagoona ku amaanay shacabka dadaalkooda dhanka cashuur bixinta iyo wada shaqaynta ay la leeyihiin dowladda.