9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 25, 2024
Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis la xariira is dhaafsiga xogaha Sirdoonka
 

Arbaco, September, 25, 2024 (HOL) - Hay’adda Sirdoonka Maaliyadda ee dalka Turkiga (MASAK) iyo Xarunta Warbixinadda Maaliyadda ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku kala saxiixday heshiis is faham iyo wada shaqeyn dhex marta hay’addaha sirdoonka maaliyadadeed ee labada dal.

Heshiiska dhexmaray labada hay'adood ee dalalka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa la sheegay inuu yahay mid lagu xoojinaayo xiriirka iyo wadashaqeynta ee ka dhaxeeysa labada dowladood.

Heshiiska is faham ee dhexmaray hay’addaha sirdoonka maaliyadadeed ee labada dal ayaa la tilmaamay inuu muhiim u yahay labada dhinac iney iska kaashadaan ka hortaga dembiyada maaliyadda lacag dhaqida iyo la dagaalanka maalgalinta kooxaha loogu yeero argagixisada.

"Unugyada Sirdoonka Maaliyadda ee labada dal, ayaa iska kaashandoona si waafaqsan sharciga ka-hortaga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada ee dalalkooda, ururinta, hormarinta, falanqeynta macluumaadka iyo xogaha la xiriira dembiyada maaliyadda ee ka dhaca laba dal, sidoo kale labada dal ayaa isweydaarsandoona khibradaha iyo waaya aragnimada la xiriira la-dagaalanka dembiyada maaliyadda gaar ahaan ka-hortaga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada, heshiiskan ayaa sare u qaadaya isla markaana xoojinaya talaabooyinka iyo qorshayaasha ka-hortaga dhammaan dembiyada maaliyadda ee ka dhaca labada dal" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Hay’addaha Labada dal ayaa sidoo kale ku heshiiyay iney si xor ah isku dhaafsan doonaan macluumaadka iyo xogaha muhiimka ah, iyada oo la raacayo mabaadi’da Isweydaarsiga macluumaadka ee u dhexeeya Hay’adaha Sirdoonka Maaliyadda iyo tan caalamiga ah.

"Xarunta Warbixinadda Maaliyadda (XWM) iyo hay’adda sirdoonka maaliyadda ee Jamhuudriyadda Turkiga ayaa dhisidoona awoodooda, waxayna ka qayb qaadanayaan barnaamijyo tababar wadajir ah, aqoon-is-weydaarsiyo, iyo dadaallo kale si loo dhiso awoodda loona horumariyo xirfadaha shaqaalaha hay’addaha sirdoon ee labada dal" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Munasabada lagu kala saxiixanayey heshiiskan waxaa goobjoog ka ahaa safiirka soomaaliya u fadhiya Turkiga Fatxu’diin Cali Maxamed, agaasimaha xarunta warbixinnada maaliyadda Aamina Maxamed Cali iyo Agaasimaha hay’adda sirdoonka maaliyadda Turkiga Mr. Hassan KEYMAK.