9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 25, 2024
Talyaaniga oo joojiyay fiisaha dalka ku galka Yurub ee uu siin jiray muwaadiniinta Soomaaliyeed
 

Arbaco, September, 25, 2024 (HOL) - Dowladda Talyaaniga ayaa ku dhawaaqday inay joojisay soo saarista fiisaha dal ku galka Yurub ee loo yaqaano Schengen ee ay siin jirtay dadka Soomaaliyeed ee kasoo codsada.

War qoraal oo lagu daabacay barta X ee safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in safaaradda Talyaaniga ee Nairobi ay joojisay soo saarista fiisaha Schengen ee dhammaan dadka kasoo codsaday safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho.

Lama sheegin sababta dowladda Talyaanigu u joojisay fiisahan. Hase ahaatee, go’aan bishii July ee sannadkan kasoo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay, in Guddiga Midowga Yurub uu soo jeediyay in la adkeeyo tillaabooyinka dal ku galka ee la siiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Qoraal rasmi ah oo uu Guddigu soo saaray ayaa lagu sheegay in la soo jeedin doono in dalalka xubnaha Midowga Yurub ay awood u yeelan doonaan inay go’aan ka gaaraan tallaabooyinka la qaadayo.

Ujeeddada tillaabooyinkan ayaa ah dib u soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee sida aan caadiga ahayn ku gaaray Midowga Yurub iyagoo aan haysan dukumentiyo sax ah.

Soomaalida ayaa sidoo kale laga qaadi doonaa lacag badan oo fiisaha Midowga Yurub ee loo yaqaano Schengen ah, waxaana codsiyadooda fiisaha Schengen lagu qaban doonaa 45 maalmood gudahood, halka 15 maalmood ay ku qaadanayso muwaadiniinta dalalka kale.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaali badan ayaa sanad kaste iska dhiiba Waddamada Yurub sida Talyaaniga, kaddib markii ay dalalkaas ku tagaan Viisooyin ay ku helaan siyaabo kala duwan.

Itoobiya iyo Gambia ayaa ah qaar ka mid ah dalalka Midowga Yurub uu ka qaatay tallaabooyin adag oo dhanka Viisaha ah.