9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 25, 2024
Raysal wasaaraha Xamse oo kulan kula qaatay magaalada New York Wakiilka Midowga Yurub ee Geeska Afrika
 

Arbaco, September, 25, 2024 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo magaalada New York ee dalka Mareynkanka uga qeyb galaya shirka meertada 79-aad ee Qaramada Midoobay ayaa halkaas kulan gaar ah kula qaatay Wakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan geeska Afrika Annette Weber.

Raysal wasaare Xamse iyo Annette Weber ayaa kulankooda gaarka ah uga wada hadlay xoojinta xiriirka wadashaqeynta ka dhaxeysa Midowga Yurub iyo Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha horumarinta, dhaqaalaha, amniga iyo siyaasada.

Kulanka ayaa sidoo kale labada dhinac diirada ku saareen xaaladda haatan ka taagan geeska Afrika ee la xariirta xadgudubka damaca guracan ee dowladda Itoobiya ku heyso Madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed Soomaaliya.

Raysal wasaaraha Soomaaliya iyo Wakiilka gaar ah ee Midowga Yurub ee geeaka Afrika ayaa isla meel dhigay muhiimada ay leedahay in dadaal weyn lagu bixiyo amniga iyo nabadda gobolka, taasina ay ku imaan karto in si wadajir ah la isku kaashado.

Kulankaan dhexmaray Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Wakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan geeska Afrika ayaa kusoo aadaya, iyadoo Raysal wasaaraha Soomaaliya uu magaalada New Yor kulamo, gaar gaar ah uu kula qaadanayo madax iyo masuuliyiinta ka qayb galaysa shirka meertada 79-aad ee Qaramada Midoobay.