9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 25, 2024
Xil. Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Safar u diidista xildhibaannada iyo farriimaha hanjabaadda ah ee Madaxweynaha waa saansaan halisteeda leh
 

Arbaco, September, 25, 2024 (HOL) - Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag u cambaareeyay xayiraad socdaalka ah oo uu sheegay in hay'adda NISA ay kusoo rogtay Xildhibaan Maxamed Sheekh C/llaahi (Ciiro) oo laga mamnuucay inuu u safro magaalada Baydhabo.

Dhacdadan ayaa noqonaysa tii labaad oo xildhibaan loogu diido safar Baydhabo ah, taasoo uu sheegay in ay walaac ku tahay xoriyadda madaniga ah ee dalka.

Xildhibaanka ayaa carrabka ku adkeeyay in xoriyada socdaalku ay tahay xuquuq asaasi ah oo uu qabo dastuurka Soomaaliya, isagoo caddeeyay in uusan jirin cid ka sarreeysa mabda’aas.

“Safar u diidista xildhibaannada iyo farriimaha hanjabaadda ah ee Madaxweynuhu ka soo jeedinayo Masjidka ee ah in saqda dhexe guryaha la iskugu soo daadanayo waa saansaan halisteeda leh. Ku takrifalka awoodda dowladda, ku tumashada xuquuqda muwaadinka, xorriyad ka xayuubinta, caga-juglayska, maquuniska iyo kalitisnimadu waa sababihii keenay burburka dowladda, welina caqabadda ku ah dhismaheeda.” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa dhaliilay sida uu hadalka u dhigay ku takri falka awoodda dowladda, isagoo ka digay in falalkaasi ay xadgudub ku yihiin xuquuqda muwaadiniinta, ayna abuurayso in dowladnimada ay burburto, welina ay caqabad ku noqoto dib u dhiskeeda.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu ugu baaqay madaxda dowladda inay ixtiraamaan dastuurka iyo sharciga, isagoo ku booriyay inay joojiyaan falalka kala fogaynaya bulshada iyo mabaadi’da dimuqraadiyadda.