9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 25, 2024
Dowladda Itoobiya oo codsatay in laga fiirsado bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta ATMIS
 

Arbaco, September, 25, 2024 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Taye Atske-Selassie ayaa sheegay in loo baahan yahay in si taxaddar leh looga fiirsado ka hor inta aan la go'aamin qabanqaabada bixitaanka dambeeya ee Howlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ATMIS.

Taye Atske-Selassie ayaa geesta kale sheegay in loo baahan yahay in la tixgelinayo dadaallada joogtada ah ee ciidamada Itoobiya ay kula dagaallamayaan kooxaha argagixisada.

Hadalkaan ayuu sheegay intii lagu guda jiray kulan uu la yeeshay Catherine Molly Phee, kaaliyaha xoghayaha arrimaha Afrika u qaabilsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Taye ayaa muujiyay sida ay Itoobiya uga go’an tahay horumarinta nabad iyo ammaan waarta oo ka dhacda gobolka Geeska Afrika.

"Labadeenaba waxaan xaqiijinay muhiimada ay leedahay sii wadida dadaalkayaga ku aaddan dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo dhismaha nabadda iyo amniga gobolka," ayuu yiri wasiir Taye Atske-Selassie doodii ka dib.

Maalintii doraad, Itoobiya ayaa walaac weyn ka muujisay taageerada militari ee dowladda Masar u keentay Soomaaliya, taasoo ay sheegtay inay gacanta u gali karto argigixisada Soomaaliya. Halka Masar ay sheegtay inay taageeradan ugu talo gashay sidii kor loogu qaadi lahaa awoodda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.