7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 23, 2024
Doorashada kursi ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo maanta ka dhacday Dhuusamareeb
 

Talaado, Luulyo, 23, 2024 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ka dhacday doorashada kursi ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ka banaaneyd.

Kursiga doorashadiisa maanta ka dhacday Dhuusamareeb oo sumadiisu tahay HOP 18 ayaa waxaa ku guuleystay Sereeye guud Jenaraal Bashiir Maxamed Jaamac, Bashiir Goobe, waxaana kursigaan horey isaga casishay Sahro Colaad Cabdi.

Doorashada kursigan HOP 18 uu ku soo baxay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac Goobe ayaa aheyd natiijadiisa mid lasii wada ogaa.

Si kastaba ha ahaatee waxaa wali jira kuraas badan oo ka tirsan Golaha Shacanka oo wali banaan, kuwaas oo ay geeriyoodeen Xildhibaanadii horey ugu fadhiyay, waxaana kuraasta banaan ka mid ah kursigii Wasiiradii Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye.