7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 23, 2024
Ciidamo Itoobiyaan ah oo maalintii labaad kasoo gudbaya xadka Itoobiya la wadaagto gobolka Hiiraan
 

Talaado, Luulyo, 23, 2024 (HOL) - Boqolaal ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa maalintii labaad kasoo gudbay xadka ay wadagaan gobolka Hiiraan iyo dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Ciidamadaan oo aad u hebeysan, islamarkaana wata gaadiid dagaal oo aad u tira badan ayaa  saakay ka soo gudbay degmada Feerfeer Soomaaliya ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo isku fidiyay deegaanada kala, Jawiil, Beergadiid, Coomaad iyo Qabno oo ah deegaano ku yaala Inta udhaxeeyso magaalooyinka Matabaan iyo Baladweyne.

Wali si rasmi ah loma oga ujeedka ciidamadan u soo galeen gudaha gobolka Hiiraan, waana markii labaad mudo bil gudaheed ah oo ay ciidamadaan Itoobiyaanka ah gudaha u soo galaan gobolka Hiiraan.

Warar hoose ayaa sheegaya in ciidamadan ujeedkoodu uu yahay iney wax ka galbiyaan ciidamada Itoobiya ee kaga sugan gobolka Hiiraan ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS.

Dadka ku nool deegaanada ay ciidamadaan isku fidiyeen ayaa walwal iyo walaac xoogan ka muujiyay tirada ciidankan iyo gaadiid dagaal oo ay wadaan.

Ugu dambeyntii majiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Hiiraan oo ku aadan ciidamadan tirada badan ee aan ka tirsaneyn howlgalka ATMIS ee gudaha u soo galay gobolka Hiiraan markii labaad mudo ku siman 30 cisho gudahood.