7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 23, 2024
Somaliland oo ku eedaysay dowlada Soomaaliya in ay ku fogaantahay duminta nabadeeda
 

Talaado, Luulyo, 23, 2024 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in is-fahanka Somaliland iyo Itoobiya uu muhiim u yahay iskaashiga iyo horumarka labada dhinac.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibbada, ayaa lagu sheegay in Somaliland ay tahay waddan madaxbannaan oo waddamada caalamka heshiisyo la gali kara, lakiin ay dowlada Soomaaliya dagaal kula jirto.

"Waa wax laga xumaado in maamulka Muqdisho ee Xasan Sheekh ee aan maamulin caasimadiisa, in uu ku hawlanyahay falal ay ku waxyeelaynayo amniga Somaliland, isaga  oo isticmaalaya maleeshiyaad maxaliya" ayaa lagu yidhi qoraalka.

Waxa uu qoraalku intaa ku daray in xukuumada Somaliland ay tahay mid sharci ah, isla markaana ku dhisan mabda'a dimuquraadiga ah, isla markaana uu Madaxweyne Biixi ku joogo cod shacab, lakiin ay Madaxweyne Xasan Sheekh soo xuleen dad tiro yari.

Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya oo aan wali faafin rasmi ah lagu samaynin ayaa gobolka ka dhaliyay xiisad cusub, iyada oo ay dowlada Soomaaliya u aragtay madaxbannaanideeda oo lagu soo duulay, halka ay Somaliland-na sheegtay in ay u madaxbannaantahay cidii ay xidhiidh la samaysanayso.