7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 23, 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay dagaalo lagu jabiyay Al-shabaab oo ka dhacay Jubbada Hoose
 

Talaado, Luulyo, 23, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay dagaalo qaraar oo shalay aroornimadii hore ka dhacay laba Saldhig oo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ku leyihiin Jubbada Hoose ayaa bogaadiyey guulo ay ka gaareen ciidanka dagaaladaas.

Wuxuu sheegay madaxweynaha in weeraradii Shalay kooxdu ku qaaday deegaanada Buulo Xaaji iyo Harboole guulaha ciidanka ka gaareen iney ka marqaati kacayso tayada iyo awoodda ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dadaalka ay dowladdu ku bixinayso dib u dhiskooda.

"Maanta jabka weyn ee khawaarijta lagu gaarsiiyey deegaannada Buulo-xaaji iyo Harboole ee Jubbaland waa calaamad muujinaysa in gabbalkoodu uu dhacay, geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeedna ay awood u leeyihiin in ay ka xoreeyaan deegaan kasta oo ay ku dhuumaaleysanayaan" ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney ciidanka ku garab istaagaan xaqiijinta amniga iyo la dagaalanka kooxda Al-shabaab si meesha looga hortago dhagaraha ay maleegayaan kooxdu.

Dhinaca kale madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa dhankiisa ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ku bogaadiyay guushii ay ka gaareen weeraradii Shalay galinkii hore ka dhacay deegaanada kala ah Buulo Xaaji iyo Harboole oo Al-shabaab looga dilay in ka badan 80 xubnood.