7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 23, 2024
Garowe iyo labo degmo oo katirsan gobolka Nugaal oo ay socdaan doorashooyin qof iyo cod ah
 

Talaado, Luulyo, 23, 2024 (HOL) - Saddex kamid ah degmooyinka Puntland oo kala ah, Garowe, oo ah caasimadda Puntland, Dangorayo iyo Godobjiraan ayaa waxaa maanta ka socda doorashooyinka golayaasha deegaanka ee ay ku tartamayaan xisbiyada kala duwan.

Doorashadan oo horey ugu baaqatay carqaladihii amni ee ka dhacay magaalada Garowe sannadkii hore, islamarkaana uu dhiig badan ku daatay, ayaa maanta si ballaaran looga qabtay saddexda degmo.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in la xaliyay tabashooyin ay qabeen qaar kamid ah ciidamada Puntland, kuwaas oo dhawaan sheegay inay kasoo horjeedaan qabsoomidda doorashadan.

In ka ka badan 60kun oo cod bixiyayaal ah ayaa ka qeyb galaya doorashada oo soo bilaabatay lixdii subaxnimo ee saakay, halkaas oo ay dadweynuhu safaf dhaadheer u galeen inay codadkooda ka dhiibtaan doorashada.

Sidddeed xisbi siyaasadeed ayaa doorashadan ku tartamaya, waxaana aad loo saadaalinaya in xisbiga Kaah ee madaxweyne Deni uu guddoomiyaha ka yahay uu heli karo codadka ugu badan, marka loo eego sida ay doorashada ugu ololaynayaan.

Qaar kamida ah xisbiyada mucaaradka waxaa hoggaaminaya rag katirsan golaha wasiiradda ee madaxweyne Deni.

Doorashada ayaa gabagabo u ah doorashooyinka golayaasha deegaanka Puntland, kuwaas oo lagasoo qabtay in ka badan 30 degmo.