7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 23, 2024
Orodyahan guul taariikhi ah usoo hoyay Soomaaliya oo laga reebay Ciyaaraha Olombikada Adduunka ee Paris 2024
 

Talaado, Luulyo, 23, 2024 (HOL) - Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliya ayaa ka saaray Orodyahanka Cabdullaahi Jaamac Maxamed ka qeyb galka Ciyaaraha Olombikada Adduunka ee Paris 2024, kaasoo la qorsheeyay in la qabto 26-ka July illaa 11-ka Agoosto.

Cabdullaahi Jaamac Maxamed ayaa dhawaan ku guuleystay kaalinta labaad ee tartanka 5000 mitir ee tartanka 13-aad ee ciyaaraha Afrika ee lagu qabtay magaalada Accra ee dalka Ghana, March 22, 2024, taasoo ka dhigan in Soomaaliya ay bilad sharafeedkii ugu horeysay ka hesho masraxa caalamka muddo ka badan 35 sano.

Muuqaal laga duubay ayuu Cabdulllaahi ku muujiyay sida uu uga xun yahay ka dib markii guddiga Olombikada ee dalka uu u diiday inuu Soomaaliya u matalo ciyaaraha Olombikada Adduunka ee Paris 2024. Waxa uu daaha ka qaaday in afar ciyaartoy oo kaga hooseeyay tartankii 13-aad ee Afrika ee ka dhacay Accra in loo diray tartammada Paris.

“Guddigeena Olombikada Qaranka waxa uu ii diiday ciyaaraha Olombikada, halka ninkii igala qeyb galayay ciyaaraha 13-aad ee Afrika ee ka socday magaalada Accra uu matalayo dalkiisa, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ii balan qaaday in aan heli doono taageero la mid ah tii ciyaaryahanada u ordayey waddamada kale oo aan matali doono. waddankeena waxaan u dagaalamaynaa qarankeena,” ayuu yiri.

Cabdullaahi  ayaa ku eedeeyay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta in ay yihiin caqabadaha ugu weyn ee dalka ka jira ee hortaagan hor-u-marka Isboortiga.

Ka saarista Cabdullaahi ayaa keentay dhaleecayn dadweyne, iyadoo dadka isticmaala baraha bulshada ay ku baaqeen in baaritaan lagu sameeyo qaabka loo soo xulay, islamarkaasna lala xisaabtamo lala xisaabtamo guddiga Olombikada Qaranka. Soomaali badan ayaa filayey in Cabdullaahi uu dalka ku matali doono tartanka Paris 2024, marka loo eego guulihii taariikhiga ahaa ee uu ka gaaray Accra.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii Maarso guddoonsiiyay abaal-marintii ugu sarreysay ee dhanka Isboortiga Cabdulllaahi Jaamac Maxamed, isagoo ku ammaanay inuu guul weyn ka soo hooyey tartanka 5000 ee mitir ee ciyaaraha 13-aad ee Afrika ee ka socday magaalada Accra.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Saalax Jaamac ayaa sidoo kale Cabdullaahi ku soo dhaweeyay dalka kaddib guushii taariikhiga ahayd ee uu gaaray.

Mo Farah oo afar jeer ku guuleystay bilada dahabka ee Olombikada, isla markaana asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, isla markaana ka fariistay ciyaaraha orodada dalka Britain, ayaa sidoo kale ugu hambalyeeyay Cabdullaahi Jaamac Maxamed billad qalin ah oo uu ka helay ciyaarihii Afrika ee Ghana.

Doodda ka dhalatay ka saarista Cabdullaahi ayaa muujinaysa arrimo ballaaran oo ku saabsan musuqmaasuqa iyo nin jeclaysiga ka dhex jira ciyaaraha fudud ee Soomaaliya.

Bishii Agoosto 2023 Bahda Isboortiga Soomaaliyeed ayaa fadeexad weyn ku noqotay ka dib markii Nasra Abuukar Cali oo ah cayaaryahanad aan tababarnayn, isla markaana ay eeddo u tahay Khadiija Aadan Daahir oo ah Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud,  ay ka qeyb gashay tartanka 100m ee Ciyaaraha Jaamacadaha Adduunka ee ka dhacay magaalada Chengdu ee dalka Shiinaha.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud, ayaa si cad uga cudur daartay falkaasi, wuxuuna shaqada ka joojiyay Khadiijo Aadan Daahir.