7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 20, 2024
Xildhibaan Ciid : Mas'uul katirsan dowladda ayaa iigu hanjabay inuu madaxa iga tooganayo
 

Sabti, Luulyo, 20, 2024 (HOL) - Xildhibaan Cabdirisaaq Cabdullaahi Macallin Ciid oo katirsan baarlamaanka Soomaaliya,  ayaa sheegay in dil loogu hanjabay, markii uu ka hadlay dhacdadii Xabsiga dhexe iyo weerarkii maqaayadda Top Coffee, isagoo ku eedeeyay dowladda in aysan qaadin wax tallaabo ah oo looga jawaabayo dhacdooyinkaas.

Xildhibaanka oo hadal ka jeedinayay fadhiga baarlamaanka ayaa sheegay, markii uu ka hadlay dhacdooyinkaan in uu lasoo xiriiray mid kamid ah masuuliyiinta dowladda, isagoo sheegay in loogu hanjabay in madaxa laga tooganayo. Xildhibaanka wuxuu sidoo kale sheegay in lagu tilmaamay inuu yahay Alshabaab.

“Waxaan ku iri Shabaab ma ahi, laakiin waxaan u danqanaynaa dadkayga, waayo mas'uuliyad ayaa iga saaran, waana matalaaddii la ii soo doortay inaan ka hadlo arrimahan. Hadalkii ka dambeeyay wuxuu ahaa, maanta kaddib haddaad ka hadashid madaxaan kaa toognayaa” ayuu yiri xildhibaanku.

Ma sheegin xildhibaanku masuulka usoo hanjabay, base wuxuu caddeeyay inuu baarlamaanka lasoo wadaagidoono warbixin uu kasoo diyaarin doono cidda hanjaabadaas kula kacday.