7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 20, 2024
Golaha wasiirrada Soomaaliya oo meel mariyay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo soohdimaha
 

Sabti, Luulyo, 20, 2024 (HOL) - Golaha Wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya  ayaa ansixiyay Hindisaha Xeerka Dhismaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, kaddib kulan ay xalay yeesheen.

Sidoo kale, Golaha wasiirrada ayaa kulankan ku soo saaray Qaraarka Mamnuucidda ka ganacsiga Hubka iyo Saanadda Ciidanka ee loo yaqaan (Cir-toogte), iyaga oo ansixiyey Siyaasadda Iibka Hubka, Rasaasta iyo qalabka Ciidanka.

Qaraarkan ayaa waxa uu mamnuucaya ka ganacsiga hubka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan in la soo dajiyo, la dhoofiyo, la warshadeeyo, laga ganacsado, la isu gudbiyo ama la daabulo hubka iyo saanadda ciidanka.

Siyaasaddan ayaa la sheegay  in ay qayb ka tahay dadaallada dowladda federaalka ugu jirto dejinta shuruuc, siyaasado iyo nidaamyo adag oo lagu xakameynayo hubka sida sharci darrada ah ku soo gala dalka, kaddib qaadista cuna qabataynta hubka.

Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale ansixiyey Heshiiska Difaaca ee ay wada gaareen dalalka Soomaaliya iyo Masar.