7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 20, 2024
ATMIS oo bilowday baaritaan ku saabsan fal dil ah oo ciidamadooda ay ka geysteen Buulo Mareer
 

Sabti, Luulyo, 20, 2024 (HOL) - Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa shaaca ka qaaday inuu bilaabay baaritaan ku saabsan fal dil ah oo ka dhacday degmada Buulo Mareer 17-kii July 2024. Dhacdadan ayaa  sababtay dhimashada laba qof iyo dhaawaca mid kale.

ATMIS waxay qiratay eedeymaha ah in ay ciidamadooda si kas ah u dileen dadka rayidka ah, waxayna ballan-qaadday inay sameyn doonto baaritaan ballaaran, ayna soo bandhigi doonto natiijada ka soo baxda baaritaanka marka la soo gabagabeeyo.

"Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoysaskii ay ka geeriyoodeen. Ciidamada ATMIS waxaa loo tababaray inay si adag ugu hoggaansamaan Sharciga Caalamiga ah ee Bani'aadamnimada, Heerarka Xuquuqul Insaanka, iyo Shuruucda Hawlgelinta ee lagu maamulayo hawlgallada militari, iyadoo xoogga la saarayo ilaalinta rayidka iyo carruurta,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay ATMIS.

Baaritaanka ayaa ku soo aadaya kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ciidamada Uganda ee ka tirsan ATMIS ay ku dileen saddex qof oo rayid ah, kuwaas oo ahaa beeraley ku sugnaa deegaanka Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo qiyaastii 120 KM dhanka koonfureed kaga beegan caasimadda Muqdisho.

Dhacdadan ayaa sababtay dibadbaxyo caro leh oo ka kala dhacay Buulo Mareer iyo Muqdisho, iyadoo dibadbaxayaashu ay dalbanayeen in cadaaladda la horkeeno dadkii ka dambeeyay falkaas. Dadka dhintay ayaa maydadkooda la geeyaya Muqdisho, waxaana la sheegay in aan weli la aasin.

ATMIS ayaa shacabka u xaqiijisay in baaritaanku uu noqon doono mid dhameystiran oo dhex-dhexaad ah, lana qaadi doono tallaabooyinka ku habboon natiijada kasoo baxda.