7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 20, 2024
Dagaal lagu dilay 10 ka mid ah kooxda Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Hiiraan
 

Sabti, Luulyo, 20, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal galinkii dambe ee Shalay ku dhexmaray tuulooyin hoostaga deegaanka Murcudka ee ka gobolka Hiiraan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka oo dhinac ah iyo kooxda Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan Ururka 39-aad guutada 5-aad qeybta 27-aad iyo Ururka 10-aad ee Kumaandooska Gorgor oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ay weerar ku qaadeen dhul howd ah oo hoostaga deegaanka Murcudka ee gobolka Hiiraan.

Weerarkaas ayay saraakiisha hoggaamineysay howlgalku sheegeen iney ku dileen 15 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab ee halkaas isku aruusaneysay, islamarkaasna ay ku soo furteen hub iyo saanad kale oo ciidan.

Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa sidoo kale sheegeen iney sii wadayaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab inta ay ka saarayaan dhamaan deegaanada ay kaga sugan gobolka Hiiraan.

Dhowr maalin ka hor ayay aheyd markii dagaalo qaraar ay ku dhexmareen nawaaxiga deegaanka Beerayabaal ee gobolka Hiiraan ciidanka dowladda oo garab ka helaya kuwa deegaanka iyo kooxda Al-shabaab, waxaana dagaalkaasi lagu dilay 10 ka mid aheyd kooxda, iyadoo maalin kadib dagaalkaasna ciidamadu nolosha kusoo qabteen nin ajnabi ah oo u dhashay Itoobiya, kana soo jeeda Qoemiyada Oromada oo ka qeyb ahaa dagaalkii ka dhacay nawaaxiga Beerayabaal.