7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 20, 2024
Caalimkii weyna Sheekh Cismaan Xidig oo geeriyooday iyo madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay
 

Sabti, Luulyo, 20, 2024 (HOL) - Waxaa Xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allah u naxariistee Caalimkii weyna Sheekh Cismaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud oo loo yaqiinay Sheekh Cismaan Xidig, kaasoo mudooyinkii dambe ku xanuunsanaa magaalada Muqdisho oo uu deganaa.

Geerida Sheekh Cismaan Xidig ayaa waxaa ka tacsiyadeeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Masuuliyiin ka tirsan dowladdiisa, siyaasiyiin caan ah, culumaa’udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada, culumaa’udiinka iyo dhamaan dadka Soomaaliyeed oo uu ka baxay Sheekha, isagoona tilmaamay in Sheekh Cismaan Xidig uu ahaa Caalim weyn, daaci iyo macalin udub dhaxaad u ahaa barida iyo faafinta diinta islaamka oo uu tacab iyo waqti badan galiyay soo saarista culumo aqoon durugsan u leh diinta Islaamka iyo Jiilal waxtar u leh dalka.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Alle ha u naxariisto Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa'uud waxa uu ahaa caalim tacab iyo waqti badan galiyay baridda iyo faafinta diinta islaamka, waxaana ka aflaxay culumo badan oo soomaaliyeed oo maanta door weyn ku leh fidinta diinta” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Qaban qaabada aaska Sheekh Cismaan Xidig ayaa haatan ka socota magaalada Muqdisho, waxaana Sheekha la sheegay in lagu aasi doono qabuuro kuyaala agagaarka masjidu Shifaa oo ku yaala degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyntii Allah u naxariistee Sheekh Cismaan Xidig ayaa ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa suufiyada loo yaqaano kuwooda ugu waa weyn, waxuuna Sheekha soo diin baray dad badan oo Soomaaliyeed oo haatan ku kala nool dunida dalacaladeeda.