7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 20, 2024
Erdogan oo baarlamaanka dalkiisa u gudbiyay mooshin uu ku dalbanayo in ciidamada Turkiga loo diro Soomaaliya
 

Sabti, Luulyo, 20, 2024 (HOL) - Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, ayaa horgeeyay Baarlamaanka Turkiga mooshin uu ku dalbanayo in la ogolaado in ciidamada Turkiga la geeyo badda Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa daba socota heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah oo ay wada saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya bishii Febraayo, kaasoo ujeeddadiisu ahayd in lagu xoojiyo awoodda difaaca badda Soomaaliya iyo in la dhiso ciidan badeed oo ay yeeshaan Soomaaliya.

Mooshinka la horgeeyay baarlamaanka Turkiga, ayaa codsanaya in la siiyo muddo labo sano ah, iyadoo ay ku xusan tahay in la codsan karo in dib  loo cusboonaysiiyo, taasoo awood u siinaysa madaxweyne Erdogan inuu ciidamada badda ee Ankara u diro Soomaaliya.

Sida ku cad mooshinkan oo ay aragtay warbaahinta Middle East Eye, tallaabadan ayaa jawaab u ah codsi rasmi ah oo Turkiga uga yimid dowladda Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa la sheegay inuu yahay mid looga jawaabayo heshiiskii Itoobiya ay la gashay Somaliland bishii Janaayo, kaasoo Addis Ababa xaq u siiyay qeyb kamid biyaha Soomaaliya.

“Soo daabulidda ciidamada Turkiga waxaa la kaashan doona madaxda Soomaaliya, waxayna dabooli doonaan amniga badda ee Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweynaha dalka Turkiga.

Horaantii bishan, Turkiga wuxuu martigeliyay Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo isku dayayay inuu dhexdhexaadiyo, xalna laga gaaro xiisadda labada dal.

Khamiistii, Wasiirka Tamarta ee Turkiga, Alparslan Bayraktar ayaa heshiis sahaminta iyo soo saarista kaarboonka laga dhaliyo kula saxiixday dhiggiisa Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, magaalada Istanbul. Heshiiskan ayaa u fasaxaya shirkadda dawladda Turkiga ee TPAO in ay hawlo shidaal baadhis ah ka samayso saddex baloog oo kala duwan oo ku yaalla dhulka badda Soomaaliya.