7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 15, 2024
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 50 Shabaab ah lagu dilay howlgal ka dhacay aagga Masagawaa
 

Isniin, Luulyo, 15, 2024 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay, in ka badan 50 Shabaab ah in lagu dilay howlgal ay si wadajir ah u sameeyeen Ciidanka dowladda, iyo Saaxiibada Caalamka, kaasi oo ka dhacay deegaanka Dhabaqle oo ku yaala inta u dhaxaysa magaalada Masagawaay iyo deegaanka Cawsweyne ee gobalka Galgaduud.

War-saxaafadeed dowladda kasoo baxay ayaa lagu sheegay in xubnaha lagu dilay howlgalkaan ay isugu jiraan horjoogayaal, iyo maleeshiyaad. Waxay dowladdu tilmaamtay in howlgalkaan uu ka dambeeyay ka dib markii Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada degaanka ay heleen xogta ku saabsan Shabaab isku aruursanayay halkaas.

Waxay dowladdu sheegtay in Ciidanka Qaranka iyo dadka deegaanka ay hadda ku sugan yihiin goobihii dagaalku uu ka dhacay, iyadoo sheegtay in ay weli ku raad joogaan dagaalamayaaal iyo horjoogayaal baxsad ah.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka waxay sheegtay in ay ka go’an tahay ciribtirka waxay ugu yeertay Khawaarijta naf la caariga ah ee duulaanka ku ah dalka, dadka iyo diinta.