7/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 15, 2024
Taliyaha Ciidanka Asluubta "Furahayahii Xabsiga isago dhintay ayaan dalacsiin doona darajadiisa, waxaana loo dhisaya taalo geesinimo"
 

Isniin, Luulyo, 15, 2024 (HOL) - Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jenaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaano taliye Shub ayaa shaaca ka qaaday in furahayahii Xabsiga dhexe ee lagu dilay weerarkii Xabsiga Dable Xasan Xuseen Raage in taalo geesinimo looga dhisi doono gudaha Xabsiga.

Dable Xasan Xuseen oo ahaa furahayaha Xabsiga ayaa waxaa toogasho ku dilay ragii hubeysnaa ee ka dhex dagaalamay Xabsiga, kadib markii uu ka diiday in furaha xoog uga qaataan maxaabiista hubeysneyd ee ka tirsana Al-shabaab.

Ragii hubeysnaa ee dilay furahayaha Xabsiga ayaa qorshahooda fashilmay wuxuu ahaa in furayaasha xabsiga helaan si ay halkaas uga baxsadaan, waxaana arrintaasi ka biyo diiday Dable Xasam Xuseen Raage oo furahii uu haayay ku tuuray banaanka Xabsiga.

Taliye Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in furahayaha Xabsiga dhaxe ee la dilay uu sameeyay naf hurnimo, wuxuuna xusay in loo dhisi doono taalo geesinimo, islamarkaana la dalacsiin doono darajadiisa  isagoo dhintay.

“Askarta meesha ku dhimmatay qaar ayaa jira oo aan taallo u dhisayno, ninkii furaha hayay ,  furuhii banaanka u tooray asna xabbad ayaa lagu dhuftay.  taallo ayaa dhagax dhigeynaa, asaga oo dhintay ayaan dallacsiineeynaa, ninkaas nafiisa ayuu dalka u huray, hadda waxaan u istaageeynaa meeshii ninkaas aan taallo ugu dhisi lahayn waan la dhisaa.” Ayuu yiri Jerenal Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Hadalkaan kasoo yeeray Taliye Shub ayaa ku soo aadayo, iyadoo maalin ka hor koox ka tirsaneyd Al-shabaab ay ka dhex dagaalameen gudaha Xabsiga dhexe ee Xamar, hayeeshee taliyaha kama uusan hadlin sida ragaasi maxaabiista ahaa ay ku heleen hubka, waxaana weerarkaas lagu dilay 5 ka mid ah ragii dagaalamay iyo sadax ka mid ah ilaalada askarta Xabsiga dhexe ee Xamar.